Ururkii Faashilkii ee XumaarSoor oo Afka Dhulka Loo Galiyey Degmada Lughaya

xaqsor, Xumaarsoor, xassan Ciiise

Lughaya -  Gudoomiyaha ururka Faashilka ah ee uu hogaaminayey shaqsi mudo dheer ka dhacsanaa saaxada siyaasada Somaliland Xassan Cise  ayaa Degmada Lughaya ee  gobolka Awdal wax taageero ah ka helin iyadoo sidoo kale saadaashu sheegayso inuu sidoo kale si foolxun ugu fashilmay degmooyinka Saylac, Borame, iyo Baki.

Xasan Ciise Jamac ayaa wararku sheegayaan inuu qaranimada Somaliland meel kaga dhacay oo uu ku talaabsaday arin ka baxsan geedi socodka siyaasada Somaliland kadib markii hab laaluush oo uu dano shaqsi ka leeyahay ula heshiiyey hogaanka Jabuuti – Ismacil cumar Geele oo farogalin xoog leh oo dhul boob ku haya degaanka xeebaha gobolka Awdal iyo Selel. Xassan Ciise ayaa lagu eedeeyey in loogu balan qaaday dalku galka Jabuuti “Djiboutian Passport” iyo lacag aan cadadkeeda la sheegin.

Ururkan Faashilka ah ayaa si toos ah ugu talaabsaday weerar cad oo isku dayey kuna fashilmay shacabka degan xeebaha gobolka Awdal iyo Selel. Sida saadaashu sheegayso ayaan sidoo kale gobolka Waqooyi Gabeed wax buuran ka helayn marka laga reebo tuulada Baligubad ku dhow caasimada Hargeysa.

Taliyaha ciidamada Jabuuti Gen Sakariye, Xassan Xumaansoor, iyo Ismacil Cumar Geele oo is haysta

Waxa sidoo kale wararku sheegayaan in ururkani uu u muqdo ururada wareega koowaad ku hadhaya ee aan mardanbe kasoo qayb gali karin tartanka siyaasada Somaliland oo uu isku dayey inuu 20 sano dib u celiyo kadib markuu eex aan meelgaadhsiinayn ku talaabsaday. Isagoo dad gaar ah oo u badan Reer Jabuuti ka sharaxay meelo ayna degaan ahaan shaqo ku lahayn nacayb uu u qabo shacabka degaanka xeebaha galbeedka awgood arintana ay dhaxalsiisay cawaaqib xumo uusan kasoo waaqsan iyo dib u dhac siyaasadeed.

Shacabkii degaanka Saylac oo cudud ku muquuniyey xukuumada jabuuti – natiijada oo la sugayo dhawaan

Shacabka xeebaha Awdal iyo Selel ayaa balan ku galay in XumaarSoor iyo Xasan Ciise midna waxba u dhimi karin wadajirka iyo cududa shacabka Awdal iyo Selel dagaal cadna ay la galeen Xasan iyo kuwa la hal maala ee shaadhka siyaasad ku shaqaysta iyo kala dilka shacabka.

About these ads

7 Responses

  1. Xassan Xumaarsoor waa gacan ku dhiigle waa in lasoo xidhaa imika qalbi ku dhiigle ayuu noqday …lacagtii xukuumada jabuuti soo celi bay leedahay iyo jananka oo iscasilaya markuu ku fashilmay dhul boobkii Saylac

  2. ASC. Hassan ISSA Djama. waa mujaahid karti iyo aqoon ilaahay siiyey oo ku guuleestay in uu dadka isku keeno , markaa haday jiraan dad yar oo iska dhex waayey shaxdau siyaasadee ee uu ugu hiilinaayo shacabkiisaa somaliland- please wax yar sug hasaluugin waad heli waxaad rajeenaysidee

  3. @Samatar, mujaahidka sidaad u taqaan iyo siduu Illaahay (SW) inoogu sheegay waa kala laba…Nin kasta oo sida kanoo kale ahina ma galayo sifooyinka mujaahidnimada waayo ninka dilka ummad Muslim ah xalaashaday ee uurkana ka neceb laguma sheegi karo mujaahid inaba. Ta kale, dee waa nin mar waashay wuu ladnaaday mooyee wuu bogsaday malaha, markaa masuuliyad lagumaba aamini karo ee u ducee haddaad isku mujaahid shayaadiin tihiin bal in Illaahay (SW) caafiyo si kastaba.

  4. shax siyaasadeedka xasan ciise waa sanbuuse laga adimay daadkaa qaadey waan ku qanacsanahay inuu dhaco XAQUUQDA REER AWDAL BUU MEEL KAGA DHACAY reer awdalna waa ku qalibeen baskii rajada siyasada

  5. scw walaal xasan ciiise waa mushaahid usoo joogay goobo iyo meelo si aan kala sooc lahayn dumar iyo carruur loogu dooxay oo maryo dhiig leh lagu kala furtay. mida kale tartan doorosho oo xalaal ayaa lagalay wax uu u jeedayba waxa dhacaday in afka ciida loo galiyay xisbigiisii, markaa waxan digniin siinaya in uu siyaasigu ku xisaabtamo xisaabta ah nina dhulkiisa iyo dadkiisa looma dhaafo’

  6. @ Djama, waxaan ku yara xasuusinayaa , xadiiskii Nabegeena (CSW) in qofka Diintiisa, Naftiisa, Maalkiisa iyo Cirdi Giisaba in uu difaaco oo uu ku jihaadtamo, Waad ogayd in uu taa ku muteestay JIHAAD NIMADA. takale , saaxiib adigoo aan iga xanaaqin dee waxa layidhi kii Hooyadaa Guursadaaba waa Adeerkaa , Marka adigu Labadan nin kuma kala xigaane waa ( Xasan iyo Siiraanyo) , kkkkkk ee maxaa idin waalay . Waxaad ogaataan in aad sidaas kabo qaad noogu tihiin waligiin , waayo dulinkii aad ka gasheen reer sheekh isaxaaq ayaad maalaysiin … war aad u kala qaadaan ma jirto , wayna heshiinayaa , viva isaaq 4 ever….

    • Alle ha laga baqo, oo ummadiisana hala nabad geliyo. Website-kana reernimada halaga daayo oo dadka dhex ha u noqdo, qoraalada dadka kala fogaynayana yaanu qorin. Xasan Ciisena hadduu soo dhoweeyey beelaha bariga iyo galbeedka fog dee waa walaaladeena yaan lala yaabin. Alle tawfiiqda ha ina waafajiyo. Aamiin Aamiin.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

%d bloggers like this: