
HARGEYSA – Tartanka siyaasada dalka oo soo kala cadanaysa ayaad kolba aragtaa guulaha iyo cabashooyinka ay xisbiyadu kala muujinayaan. Xisbul xaakimka ayaa tirsanaya guulo badan iyo si abaabul dheeraad ah halka Wadani iyo Ucid ay ku daba jiraan iyagoo u kala tartamaya kaalintii xisbigii burburay ee UDUB uu baneeyey. Ilaa imika waxa cad in xisbiga Kulmiye hogaaminayo codadka la tiriyey halka ururka Xaqsoor uu u badan yahay inuu hadhay marka lagu qiyaaso musharixiinta usoo baxay ilaa imika.
Waxaan xasuustaa tartankii olumbikada iyo samsam Maxamed farax oo warbaahintu si fiican hadalka u dhigtay – iyo SAMSAM OO GASHAY KAALINTA TODOBAAD! Ilayn waaba kaalinta ugu danbaysay oo 7 qof ayaa la ordayey waa sidoo kaloo anagoo ka xun guul darada ku habsatay Xasan Ciise oo ah “Political Light Weight” Guuldaran waxa loo aanaynayaa isagoon lahayn wax khibrad siyaasadeed ah oo aan ka ahayn inuu mar soo ahaa madaxwayne ku xigeen. Sidii Samsam ay dadku markay nasteen u timid ayuu Xassan dadkoo nastay soo gaadhay Hargeysa.
Dhinaca kale Kulmiye ayaa ciyaaray – ciyaar hufan isagoo isticmaalaya khibrada maamulka halka xisbiga Wadani uu ka laadlaadin oo dardar cusub lasoo galay kaalintiisiina buuxiyey dhinaca siyaasada.
Tartankan ayaa maraya waji gabagabo iyadoo saacadaha soo socda lagu dhawaaqi doono magaalooyinka hadhay oo ah waliba kuwa ugu dadka badan Sida Borama iyo Hargeysa.
Lughaya News Borama
Filed under: News2 Tagged: | Election, somaliland, xaqsoor


reer booramaw waxaad ogaataan hadii u kulmiye soo baxo iyo haduu xaqsoor soobaxaba in aad tihiin lahaystayaal laangaab ah oo labadaa urur ee walaalah ah u kala fataalaysaan , waar kii hooyadiin wasaaba waa adeerkiin , xafajo ilaa xafajo . ..hadaaad doontaan qoraal kaygan masaxa… viva isaaq 4 ever
Ilaahay inkaar kugu rid, umaddaa walaalaha ayaad fidno ka dhex ridaysaa. isaaq iyo samaroon ilaahay baa meel ku wada abuuray waligoodna ma kala tagayaan. ka naxaw nafta waa. haddanu nahay isaaq walaalahayga dhaba ahi waa Samroon. marna iyagaa talin marna anaga. nacdali kugu dhacday xiqdi iyo xumaanta aad is leedahy abuuran adigay kuu taal
waxay kharaabka ahi sidaas ha u hadlin samroon somaliland ka ma xigtide adigaa dulsaar ku ahe xaqsoor way saqiirtay inuu nin faaruqu watana way cadahaye waxaba haksoo galgalanina saxaafada