Waa kuma tababaraha Cusub EE xulka Gobolka Awdal?

ImageBorama(lughaya)dhawaan  waxa uu isuduwaha wasaarda dhalinta iyo ciyaaraha Gobolka awdal Cabdiwahaab Yuusuf  uu si rasmi ah ugu magacaabay tababarihii ciyaartoyda xulka kubada cagta Mud, Cabdilaahi siciid nuur awliyo iyada oo dhawaan lafilayo ciyaarihii  tartanka kubad cagta gobolada Somaliland

Hadaba waxaan faaladan maanta ku soo qaadanaynaa Cabdilaaahi Siciid Nuur oo ku magac dheer Awliyo   tababaraha  xulka gobolka Awdal

waa ciyaar yahan xaga kudada cagta aad ugu xeel dheer waxaanu taariiriikhda kubada cagta ee Somalilad iyo Jamuuriyada Djabuti ba ku leeyahay baal dahab ah

Hadii hadaba aynu ku horayno heerka uu kagaadhay horyaalada ciyaaraha jabuuti waxa uu soo maray wakhtiyo kala duwan Isaga oo kabilaabay naadigii la odhan jiray Xamarayteee ka jiray degmada balbala ee jamuuriyada jabuuti , ka dibna waxa markiiba qaatay naadigii Fiicane oo ku guulaystay koobkii horyaalka kooxaha heerka koowaad ee jamuuriyada jabuuti sanadkii 1989kii, markaasi oo ciyaaryahan Awliyo uu wacdaro ka muujiyay koobkaasi isaga oo usitay lambarka 10 aad waxa xusid mudan inla sheego ciyaartii saban fiinalkii oo labo gool oo layaableh uu sudhay shabaga kooxdii ciidanka booliska Djabuti taasi oo dhalisay in ay ubaxaan ciyaarta kama danbaysta ah.

Ciyaaryahan Awliyo isaga oo sugaya in uu kaqayb qaato ciyaarta kamadanbaysta ah ee koobkaas kanasoolaabtay habeen tababar ciyaareed ayaa ciidamada jaandaaranka jabuuti utaxaabeen xabsiga rabshado kadhacay agagaarka gurigii uu kunoolaa wakhtigaasi oo kuyaalay Balbala isaga oo xabsiga ku jira ayaa nasiib daro ciyaartii kamadanbaysta ahayd ee koobkuna caawa oo kale loo balansan yahay waxaana naadigii Fiicane ay sameeyeen sidii loo soo daynlahaa waxaaana lagu keenan garoonka kubada cagta baabuur shabagle ah oo ciidanku lahaayeen waxyar uun kahor intii ayna ciyaartu bilaaabmin sidaas ayuuna kusaftay ciyaartii faynalka waxase layaab noqotay isaga oo sedex gool oo ay ku badiyeen kooxdiisu isagu u dhaliyay lana gudoon siiyay koobkii isaga oo lagu shafray kabtanka waxaana gacanta uga dhiibay wasiirkii ciyaaraha jabuuti ciidankii booliska ee sugayay in ay dib ugu celiyaan xabsiga waxa amar lagu siiyay in ay sii daayaan oo uu xoryahay taasi oo uu noqday ciyaaryahankii labaad ee isaga oo maxbuusah lakeenay garoon kubadeed isaga oo katiinadaysan si uu uga qayb qaato ciyaar kadibna ciyaartiisu sababtay in uu kasbado in ciyaartiisa wanaagsan awgeed uu xornoqda iyada oo arintani ay hore uga dhacday dalka talyaaniga ciyaaryahankii la odhan jiray Pela Rozi kaas oo isaga oo xidhan lakeenay garoon ka kadibna ciyaar wanaaggiisii awgeedlagu sii daayay.

Hadii aan intaasi ku dhaafno tariikhdii Awliyo ee jabuuti intaasi waxa iyaduna xusid mudan inla sheega sanadihii uu kaciyaarayay garoomada Somaliland waxa aad loogu xasuustaa sanadihii saga shamaadkii oo uu baal dahab ah ka galay tartanadii kooxaha horyaalka ee gobolka Awdal, gaar ahaan koobabkii Walhad Cup ee sanadihii 1996,1997,1998 iyo ciyaarihii saaxiibtinimo ee dhexmari jiray xulka gobolka Awdal iyo kooxihii magaalooyinka Boosaaso, Burco, Hargaysa, Iyo jigjiga kuwaasi oo uu kula baxay magaca XIDIGA MADOW EE AWDAL

Kuma soo koobikar no hal maqaal taariikhda ciyaaraha ee Awliyo waxanse ku soo gabagabaynaynaa kaalinta uu maanta gaga jiro horumarinta ciyaaraha ee gobolka Awdal .waxa uu hada kamidyahay masuuliyiinta wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha ee Gobolka Awdal isaga oo had iyo jeerna khibradiisa ciyaareedkula shaqeeyatababaraha xulka gobolka.

lughaya BooramaImage

About these ads

One Response

  1. slm alaykum dhamantiin anigoo ah Mahamed ayanle sheekh Ismail.Axyaa ciyaartoo Inkastoon reer xalane ahyn oo aan ahayn taageerayaashii kasoo horjeedi jiray hadana maalinta dawlada hoose iyo boon ciyaarayso Difaacii reer xalane Hassan basri waan ku dar daarijiranya awliyo xaji berisamaad wanaagsanayaa

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

%d bloggers like this: