HADHAAGA SUNTA WARSHADAHA KIIMIKADA AH IYO HESHIISYADA MADAXDU KALA GALEEN .. BY. PROF. MOHAMED AHMED FARAH (JAAFAA)

Kooxo Maafiya ah oo afka qalaad loo yaqaan Ecomafia, ayaa lacag badan ku  qaata Qashinka iyo sunta halista ah ee wasakhda warshadaha kiimikada, iyagoo  shaqadoodu tahay iney burburiyaan ama aasaan, balse kooxahan ayaa la sheegay in  aysan dhaqaale badani kaga bixin iney si taxadarleh oo qawaaniinta caalamka  qaabilsan suntaa u aasaan, waxana ay badi inta badan isticmaalaan Maraakiib,  kadibna ku tuuraan badaha ama berigaba.
Soomaaliland, waxa beryahan danbe ku soo batay Shirkado isku magacaaba  Sahaminta batroolka iyo macdanta oo heshiisyo qarsoodi ah wada galeen Xukuumada,  lagana warqabin shaqadooda, shacabka Somaliland waa inuu ilaashadaa  deegaankiisa, la iskana ilaaliyaa khataraha kaga iman kara Shirkadahaa gaarka  loo leeyahay.
Sidoo kale waxa hore loo cadeeyey in goobo ku yaala Geeska Afrika lagu  shubay, Suntaa kana danbeeyeen kooxo Talyaani ah oo xidhiidh wanaagsan laleh  Maafiyada, ayagoo xiligaasi heshiisyo hoose la saxiixdey hogaamiyayaasha  dalalkaa, Suntan oo wax yeelaysa dad, duunyo iyo deegaanba, noocyadeedu waa  hadhaaga qashinka nukliyeerka, warshadaha sameeya kiimikada (acids) aad sun u  ah, rinjiyo dhacay, daawooyinka dadka iyo xoolaha, kuwa loo adeegsado bacriminta  ciidda iyo dhirta (chemical fertilizers) iyo sunta lagula dagaallamo cayayaaanka  iyo xasharaadka ee dhirta ku dhaca, iwm. Waxaa kale oo wasakhdaas halisteedu  noqonkartaa dambaska ama boodhka ka soo hadha, marka la gubo qashinkaas halista  ah. Qashimmo kale ayaa ay tahay in si gaar ah gacanta loogu dhigo loona dhawro  (special hazardous waste materials) ayaa iyana kamida sida hadhaaga qashimmada  Cusbitaallada, Shaybaadhada chemicals-ka, Warshadaha caagga, iwm.
Ecomafia, waxay sanadkii 1988-kii u soo heleen dal ay Dawladda Faransiisku ku  shubto ama ku aasto Qashinka halista, dalkaasina waxa uu noqday dalka Benin ee  Afrikada Galbeed taasoo wada-xaajood dheer kaddib heshiis kula gashay dalka  Faransiiska inay ka qaadato Qashin aad u farabadan oo u badan nooca hadhaaga  nukliyeerka ee radioactive-ka ah Dowladda Faransiiskuna u hormariso lacag dhan  US$ 1.6 milio.
Sida la wada ogyahay waddamada dunida sadexaad ayaa intooda badani yihiin  kuwo aad sabool u ah una baahan lacagaha adag ee suuqyada caalamigaa, baahidaasi  waxay mararka qaarkood keentay in xubno Dawladaha waddamadaas ka mid ahi  Xidhiidh la sameeyaan Ecomafiya, iyaguna u ballanqaaddaan inay haddii  waddamadooda qashinkaas aqbalaan ay dabadeed bedel u helayaan lacag adag oo  mararka qaarkood kaba badan GDP-ga ama dakhliga guud ee waddankaas.
Prof. Mohamed Ahmed Farah Mattaan (Jaafaa)
About these ads

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

%d bloggers like this: