Jabuuti Ka Ma Taliso Somaliland Ee Somaliland Somaliland Baa Ka Talis

maqaalWaa Hadal Carruureed In La Yidhaahdo Jabuuti Ayaa Tidhi Doorashadii Somaliland Ka Dhacday Waxay Ahayd Mid Cunsuriyadeed Iyo Sheeko Baraleey,

Dadka Waxaa Cimri Dhererka Ka Dhiganayaana Waa Qaar Aan habeen Jirin, Jabuutina Waa Dawlad Dalkeeda Ka Talisa Una Madax Bannaan, Ciddina Waxba U Ma Yeedhiso, Iyana Somaliland Waxba U Ma Yeedhin Karto, Waxna Iskama Khuseeyaan DJibuuti Iyo Doorashadii Somaliland Ka Dhacday.

Marka Adeer Meesha Carruur U Sheekayn Maysaan Ee Wax Kale  Oo La Idin Ka Dhegeysto Keena, Reer Hadhwanaag Iyo Inta Ay Isku Si U Fekerayaana Haka Waantoobeen In Ay Ra’yul Caamka Idha Sarcaadiyaan Oo Ay Naftoodana Been Iyo Khiyaali Aan Geedkaa Gaadhi Doonin Ku  Maaweeliyaan,  Qofkuna Haddi Uu Marka Horeba Xisaab Khaldan Isku Dhufto Oo Miss Calculation Sameeyo, Marka Dambe Yaanay La Fool Xumaan, Waayo Waynu Og Nahay, Haddii Aan Indhaha La Iska Ridaynin Tirada Saylac Ka Codayn Karta Ee Beesha Ciise Iyo Tirada Xudun Ka Codayn Karta Xataa Haddi Caadi Degmada Xudun Looga Codayn Lahaa Oo Aanay Rabshado Ka Dhacdeen. Markaa Xaqiiqada Maaha In La Iska Indha Tiro Oo Meel Aan Ciddiba Joogin Cod Laga Raadiyo, Ama Lagu Mar Marsoodo. War Dadka Beenta Ha Laga Daayo Oo Anshaxa Saxaafadda Ha La Dhawro, Haddii Kale Sida QudhunNews Iyo Waagaceebta Daahir Calasoow Ha La Iska Caddaysto, Oo Dharka Aadmiga Ha La Wada Dhiliyo, Dhogorna Hala Soo Wada Xidho Sida Habar Dugaagga, Been Iyo Khiyaalina Ha La Isku Wada Maaweeliyo.

Waxaan Qoraalkayga Ku Soo Gaba Gabeynayaa Murtidii Abwaan Cabdullaahi Macallin Dhoodaan Ee Ahayd”

”Ninkii Rodollo Misaama Ee Kiilo Raajiciya, Ee Saamigii Uu Helaa Rubuc Ka Hooseeyo, Xisaabtaa Inuu Dib U Rog Rogo Sow Ra’yigu Maaha”

Wabillaahi Tawfiiq.

By: Cabdillaahi Canaasiir

cabcanaasiir44@yahoo.com

Xigasho: Qurlugud

About these ads

One Response

  1. Asc. Reer abtigey waxey ku ficnayen, bila dorosho hhhhhhhh

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

%d bloggers like this: