WAR DEG DEG AH: Qarax Ka Dhacay Suuqa Bakaaraha Goordhawayd Oo Geysatay Dhaawacyo Dadkii Suuqa Ka Ganacsanyey Ah

Muqdisho(Lughaya) Qarax ay ku dhaawacmeen in kabadan 10 ruux ayaa goordhow ka dhacay gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, Qaraxan oo ahaa miino gacanta laga tuuray ayaa waxaa uu sababay dhaawaca 13 qofood kuwaas oo ku sugnaa suuqa Bakaaraha gaar ahaan qeybta Dahablaha.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa howlgal ka wado goobtii uu qaraxa ka dhacay waxayna ciidamada dowlada soomaaliya  xidheen dhmaan wadooyinka suuqa soo galay waxay ciidamadu goobtaas ka wadaan baaritaano inkastoo auy ciidamadu sheegeen inay dad u qabqabteen falkaas markay soo gaareen goobta qaraxu ka dhacay.

dadkii ku dhaawacmay qaraxasi ayaa waxaa loo qaaday  isbitaalada magaalada Muqdisho halkaas oo lagu dabiibayo wali wax war ha oo ka soo baxay ma jirto goobaha caafimaadka inay dad u dhinteen iyo inkale lakiin waxaa la rumaysan yahay inay dhawacyo yihiin dadka ku wax yeeloobay qaraxa.

Ma jirto cid sheegatay inay mas’uul ka tahay weerarkan, iyadoo suuqa Bakaaraha uu yahay midka ugu weyn ee Koonfurta Soomaaliya, waxaana weerarkan uu kusoo beegmayaa iyadoo la qaaday isbaarooyinkii yaallay waddooyinka Muqdisho.

WAXII WARAR AH EE KA SOO KORDHA U MUURTAAS KALA LUGHAYANEWS.COM.

Lughayanews: Muqdisho.

About these ads

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

%d bloggers like this: