Saylac (Lughayanews)kadib markii ay dhamaatay goolaaftankii siyaasadeed iyo damacii foosha xumaa ee ay wadeen Beelaha Ciise iyo Isaaqu kuna doonayeen maamulka golaha degaanka ee Saylac la siiyo Beesha ciise taasi oo ahayd mid qayral dastuuri ah waxay ku dhalisay kooxihii sidaasi rabay guuldaro wayn oo siyaasadeed taasi oo maaanta keentay in maayarkii hore ee degmadaasi Saylac uu ku qaxo dalka Djabouti oo markii horeba laga keenay issaga oo hada laga sugayey in uu xilwareejin sameeyo .
sida ay sheegayaan dadka u kuurgala arimaha Siyaasada Degmada Saylac Mr Cawad sababta dhabta ah ee socdaalkiisa wakhtigan uu utagay Djabouti waxa aytahay isaga oo raba uu in uu ku yara seeto dheeraysto xilka isla markaana qorshayaal dahsoo oo uu u maleegayo Ismaaciil Cumar Geele uu rabo in uu isaga marlabaad u soo dhiibo CAWAD iyda oo hada wasaarda arimaha gudahu ay diyaarinayaan in xilwareejintiisa degdeg loo sameeyo
waxana hore looga Joojiyey Saxiixyada ay ku baxaan maaliyada Dawlada hoose ee Degmadu mudo lababilood kahor doorashada taasi oo hada qasnada da dawlagda hoose ay ku jiraan lacago kab ah oo loogu talogalay in lagu horumariyo hawlaha magaalada saylac kuwaasi oo maamulkii hastay markii ay ogaadeen in mashaariicdan ay ka faaiidaysanayaan dadka Gadabuursiga ah ee degaanka u ah Saylac ay xanibi jireen kuwaasi oo maanta maamulka xaqa ah ee la doortay ay waxwayn ka badalidoonaan hawlahaasi.
Saylac: Lughayanews.
Filed under: News

Ceeb weeyaan inaad ku tilmaantaan Cawad Cumar reer Jabuuti , waa asli Saylici wuxuu ku dhashay Saylac oo uu ku dhaqnaa ilaa 1991Kii. Wuxuu ugalay qaxooti magaalada jabuuti , kadiba oo xaaskiisu halkaa degayahay , anigoo reer saylac .ciisaha hido kuma lihi lakiin runta ayaa wanaagasan in dadka la canbareeyaa ma fiicna , saylac waan ku dhashay kuna soo barbaaray lakiin markaan ka qaxnay 91kii dadka soo degay ayaan reer saylac ahayn . anagu waxaan ahayn dad aan qabyaalad aan ku dhaqnayn oo reer saylac ah . cudurka naga daaya reer boorama ,( from samarooni saylici ah ).