Gabaygii Gar iyo Xoog waxa tiriyey Abwaan Maxamuud Cabdilahi Rooble. Gabaygan wuxuu abwaanku kula hadlayaa nin Samaroonku dhalay oo Abti loo yahay oo magaciisa la yidhaa Cali Aare oo dab iyo colaad doonaya inuu kala dhex dhigo Samaroonka iyo Ciisaha . Tariikhda Saylac oo umada soomaaliyeed wada ogtahay in xarun xadaaradeed ay u ahayd beesha Samaroon ayaa dhawaan tashwiish iyo qaylo ay ku fureen niman ay horboodayaan nimanka Magacooda lakala yidhaa Cali Aareye iyo nin kale oo faarax la yidhaa .Wuxuu soo baxay gabaygu 01/10/2013 wuxuuna yidhi sidatan:
Gabaygii Gar iyo Xoog waxa tiriyey Abwaan Maxamuud Cabdilahi Rooble. Gabaygan wuxuu abwaanku kula hadlayaa nin Samaroonku dhalay oo Abti loo yahay oo magaciisa la yidhaa Cali Aare oo dab iyo colaad doonaya inuu kala dhex dhigo Samaroonka iyo Ciisaha . Tariikhda Saylac oo umada soomaaliyeed wada ogtahay in xarun xadaaradeed ay u ahayd beesha Samaroon ayaa dhawaan tashwiish iyo qaylo ay ku fureen niman Ciisa ah oo ay horboodayaan nimanka Magacooda lakala yidhaa Cali Aareye iyo nin kale oo faarax la yidhaa .Wuxuu soo baxay gabaygu 01/10/2013 wuxuuna yidhi sidatan:
Tariikhda guunka ah hadaan, gees ka yara taabto
Oo aan gar-eexiyo qalooc, godob ka dheereeyo
Halkay ganaf ka leedahay hadaan, gawska ku adkeeyo
Maahmaah guyaal soo jirtaan, kuu gadaadbixine
Hadii geed magooloo inbadan, lagu gadaamaayey
Oo haadka soo guud mariyo, uunku wada goobo
Oo ubaxa guudkiisa yaal, gogol aad moodaysid
Oo gu iyo jiilaal indhuhu, kaba go’ayn muuqa
Aad gudin usoofaysatid, gawda kaga saartid
ood gun iyo baar faaraxow, gobolba meel saartid
Girid kuma aad reebine hadaad, gurato xaabkiisa
Gucundhada hadaad uga tagtid, gumurka soo taagan
Sidaa kuma galgoostee wuxuu, goof cidlaha yaalo
Guyaal iyo guyaal maalintuu, xididku gaafeysto
Ee guga diraaceed calow, gaadho unugiisa
Gunti walac markbay soo yidhaan, laamo geesa lehe
Maantana gadaas oo kalaan, galabta joogaaye
Nabsi gaaxday baa yimid xaqii, gaamuroo idile
Gar iyo xoog anaa yeelan jirey, gubanka hoosaade
Go’e nabadu waa geed hadhlee, yaan la garan waayin
Gabogabo aduunyoow maxaad, galaba cayn keentey
Aar gadaadyo weynlihi wuxuu, goodir ku casheeyo
Garbihiisa waaweyn wuxuu, galalac daymoodo
Garanuugta yaacdiyo wuxuu, goosan daba boodo
Gadaa markuu sii jiro ee, gabow usoo liico
Gaadada markii uu udhaco, gabaxna naafoobo
Gorgoridu haday garab degto, uu gooh la ledi waayo
Sida Awr gufadi ay heshay,oo raro gubyoonaaya
inuu gama ka saahido ilayn, waad iska garataaye
Anigana waxaa igu gudhay, ee gubaya laabtaydu
Waa Goofka aan abidlahaa ee geelayagu daaqo
Nimankaa gayaxa soo dhigay, gaarisiyo xeebe
Gar iyo xoog anaa yeelan jirey, gubanka hoosaade
Go’e nabadu waa geed hadhlee, yaan la garan waayin
Gumaysiga madaw iyo dhulkaan, gaalcadba u diidey
Banka Geeriyaad loola baxay, garani maysaane
Dhulkaan kumanka guutiyo Turkiga, gaajo ugu laayey
Ee waliba geerar murti ah, loogu gabax siiyey
Ee carabta geeskaa degtaa, badaha gaafmeertey
Giriig iyo hindiga gooshi jirey, sooma ay galine
Gacansaar heshiisbaan lahayn, gaaliyo Islaame
Gadhwadeen ugaas noo ahbaa, geedigaa wadaye
Gadabuursi tariikh galbeed, laguma gaadhayne
Gar iyo xoog anaa yeelan jirey, gubanka hoosaade
Go’e nabadu waa geed hadhlee,yaan la garan waayin
Hadaad Rooble iyo Geele iyo, Buuxba garanweyday
Warfaa iyo hadaad iidle Gorod, galabta diidaysid
Cali bolol gudiga uu wadaybaa, gaalka loo direye
Gumaysigu raguu guuldarada, gacanta hoos geeyey
Tariikhdu waa guun hadaad, giida barateene
Gar iyo xoog anaa yeelan jirey, gubanka hoosaade
Go’e nabadu waa geed hadhlee, yaan la garan waayin
Gartu niman ay deeqdaa nahay, gob iyo xeelkeede
Gafkana niman ka gaashaanta oon, geyin xumaantaase
Ciisaha galbeedow hadaad, godobta daynweydo
Ood giriftankaa aad wadiyo, gogosha ciidayso
Gaawuhu markuu buuxsamaad, ginif tidhaahdaaye
Gufaacada ninkii loo dhigo ee, galow ku eedaamo
Bal aan eegno ruuxii gun ah ee, gawda laga saaro
Roble Amin
robleamin@gmail.com>
Filed under: Suugaan

dhabtii waa gabay misaankiisu culus yahay . Abwaanka waxaan leehay mahadsanid runtii wuxuu ku hadlay luqadii ay nimankani fahmayeen oo ah digniin iyo hoga tusaalayn . Hadaba ma laga yaabaa inay wax ku qaataan. Mida kale uma malaynayo in galbeedka soomaaliyaba laga heli karo gabay jawaab u dhigma gabaygan
runtii waa gabay misaaman hambalyo abwaan roble