Gabiley (lughayanews)-Suldaan Ibraahim Jaamac Samater oo kamid ah Madaxdhaqameedka Somaliland ayaa Siyaasiyiinta u dhashey dalka Somaliland ee Mucaaridka ku ah Xukuumada Madexweyne Siilaanyo uga digay in ay iska ilaaliyaan kana fogaadaan Waxyaabaha lafjabta ku ah Qaranimada Somaliland oo ay u tudhaan wixii Saameyn ku keenaya Mawaaqiifta Caalamku ka aaminsan yahey Somaliland.
Suldaan Ibraahim Jaamac Samater oo Shabakada Lughayanews ugu waramay Gudaha Magaalada Gabiley ayaa dhinaca kalena Sheegay in dalka Somaliland yahey amaan aaney Suurtagal aheyn in Dalalka Caalamku ka been sheegaan Amnigeeda iyo Xasiloonida ay Shacabkeedu ku caanamaaleen, Waxaanu Suldaanku xusey in Gudaha Dalka Somaliland ay joogaan ajaanib fara badan oo dalalka Dariska ka aaminsan Somaliland.
Isagoo Suldaan Ibraahim Jaamac Samater ka hadlaya waxa uu yidhi. “Hadeynaan Runta isku Sheegin inagu cid kale lagama yaabo in ay run inaga sheegto Waxaan anigu halkan dardaaran uga gudbinayaa Siyaasiyiinta Mucaaridka ah ee Siyaasada Xukuumada diidani waa inay iska ilaaliyaan wixii laf jab ku ah ee wax u dhimaya ee jabinaya Qaranimadeena iyo jiritaanka dalka Somaliland, waa in ay iska ilaaliyaan oo aanay cadhada iyo Mucaaridada xadka ka baxsan aanay ku dhaqmin Waayo waxaad adigoo cadhoonayo fariintaad gudbisi ayaa Saameyn inagu yeelan karta adigii Mucaaridadaadu Madexweyne Siilaanyo iyo Xukuumadiisa ka biyo diidsan inaad bad kale gasho, waxaan hadalkeyga kusoo koobayaa Hadaanu madax-dhaqameedkii iyo Salaadiinta nahey arintaa ka feejignaada oo iska ilaaliya ayaanu idin leenahay anagoon Xumaan uga jeedin.
Dalkeena Somaliland waa amaan oo waxey Shacbigeenu kusoo caanamaaleen nabedgelyada Somaliland waxa jooga ajaanib badan oo Shiine xataa kujiro, oo Somaliland ka jecel dalalka dariska”Ayuu yidhi Suldaan Ibraahim Jaamac Samater.
Suldaan Ibraahim Jaamac Samater oo kamid ah Salaadiinta Somaliland ayaa had iyo jeeraale ka hadla Xaaladaha jira ee inta badan markaa lasoo Gudboonaada dalka Somaliland.
Filed under: News

Waxa ayaandaro weyn ah markii shalay Saylac in la qaato la rabay ee ay dhalinyaradu dhiigooda u hurtay ee ragii doorashada xalaashaa ku dhacsaday dhulkooda la gumaadayey ee siqiir iyo kabiir Ciise shaashada soo fadhiistay kuna dooday inuu Saylac leetahay suldaanadayadii dhuuntay ee diiday inay ka hadlaan oo ay yidhaahdaan dhulka anigaa leh inay maanta hadlaan oo maanta Somaalilaand oo Aduunyadu ogtahay waxay tahay ay difaacaan waana godob aad Saylac iyo dadkeeda ka gashay lagulgulana xisaabtami doono adeer adoo waliba ah Suldaankii Saylac