Boorama(Lughaya) gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ee Gobolka Awdal Muuse Carab Dugsiiye ayaa saaka xabsiga loo taxaabay waxaana warkaasi u xaqiijiyey shabakada wararka ee Lughaya Suldaan Abshir waxaanu yidhi “ H waa la xidhay waxaanan ku soo arkay saldhiga dhexe ee booliska laakiin ma garayo sobabta loo xidhay “
Wararku waxay intaasi ku darayaan in sobabta loo xidhay loo malayno in ay tahay mar uu si adag uga hadalay arintii saylac ee muranku ka taagnaa isla markaasina ay xukuumadu ka cago jiidaysay in aqoonsato maamulka cusub ee degmada Saylac .
waxana Muuse Carab dugsiiye lagu yaqaanay nin aanan u habran oo aan runta ka gabanin isaga oo si kulul u cambaarayn jiray habka siyaasadeed ee uu u dhaqmayey Muuse Biixi Axmed oo mudoo yinkii ay socotay qadiyada Saylac dhinac saaray Beesha Djabouti ee Ciisaha .
Dhinaca kale warar ka ag dhaw masuulkani la xidhay ayaa sheegaya in xadhigiisani uu ka dambeeyey isaga oo looga shakiyey in uu ka mid yahay dadkii qaban qaabinayey munaasibad baroor diiq loogu samaynayo 4 February 1991 oo ahayd markii ay ciidamadii SNM soo galeen Gobolka Awdal
Filed under: News | Leave a Comment »

