Kadib Rabshadihii Ka Dhacay Islii Safiirka Soomaaliya Ee Kenya Oo Maanta Kormeeray Suuqa Xaafadda Islii

 Nairobi(Lug) Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya Kenya Danjire Maxamed Cali Nuur Ameeriko ayaa saaka booqasho lugta ku tagay xaafada islii si uu indhiihiisa ugu soo arko sida uu ganacsiga uu xaafada u socdo ka dib qaraxii axadii ka dhacay xaafada iyo qalalaasihii ka dhacay maalintii isniinta.

Safiirka ayaa lug ku soo dhex maray suuqyada waaweeyn ee xaafada islii isagoo ganacsatada weeydiinayay sida uu u socdo ganacsiga iyo hadii ay jiraan wax caqabado ah oo la soo gudboonaaday.

Dadka ku dhaqan xaafada islii ayaa si weeyn u soo dhaweeyay kuma farxay  booqashada Safiirka Dowlada Soomaaliya u fadhiya Kenya iyagoo ugu warbixinayay sida u yahay ganacsiga,iyagoo u sheegay in aysan saameeyn weeyn ku yeelan ganacsigooda qalalaasihii dhacay maalintii isniinta.

Safiirka ayaa u kuur galay sida uu ganacsiga uga socdo xaafada islii,isagoo ganacsatada ku dhiiri galiyay in ay ganacsigooda sii wataan una balan qaaday in aysan dib u dhici doonin qalalaasihii dhacay maalmihii la soo dhaafay oo sidii arimahaasi loo xalin lahaa ama looga hortagi lahaa uu Dowladda Kenya kala hadlay.

Safiirka ayaa fariistay oo shaah ku cabay mid ka mid ah maqaayadaha ku dhex yaalo ee xaafada islii waxana uu kula kulmay dadweeyne aad u fara badan oo fadhiyay maaqada,waxana ay gacan qaadeen safiirka iyagoona soo dhaweeyay.

Safiirka ayaa sidoo la kulmay oo xafiiskiisa ugu tagay Shiikh Maxamed Ibraahim Shakuul oo ka mid ah  culumaa,udiinka waaweeyn ee dalka Kenya ahna maamulaha guud ee Albushra propertes LTD waxana ay wada hadleen sidii leeysaga kaashan lahaa xaalada amaanka ee xaafada islii.

Waa markii ugu horeeysay ee Safiirka Dowlada Soomaaliya u fadhiya Kenya Danjire Maxamed Cali Nuur Ameriko uu socod ku soo dhex maro suuqyada weeyn ee xaafada islii oo ah xaafad ay Soomaali badan ku noolyihiin waxaana talaabadan ay tahay mid uu safiirku ku doonayo inuu si dhab ah uga warqabo xaaladda ay dadka Soomaaliyeed ee xaafadaasi ku nool ku sugan yihiin.

 

Lughayanews-Nairobi.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: