Madaxweyne Mwai Kibaki..GA Kenya Oo Sheegay Iney Dib U Dhisayaan Suuqii Gaarisa Ee La Gubay

 Nairobi(Lug) Madaxweynaha dalka Kenya Mwai Kibaki ayaa sheegay in dowladda Kenya ay wax ka qaban doonto dhibaatadii todobaadkii todobaadkii lasoo dhaafay milaterika Kenya ka geysteen magaalada Gaarisa ee lagu gubay Suuq lagu lagu magacaabo Suuq Mugdi. 

Madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki oo shaley saxaafadda kula hadlay aqalka madaxtooyadda Keynya ayaa ballan qaaday in dib loo dhisi doono suuqii lagu gubay Gaarisa,Sidoo kale, madaxweyne Kibaki ayaa sheegay in gacan la siin doono dadkii ku hanti beelay suuqaaas oo dowladda ay lacag siin doonto.

Madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki ayaa tibaaxay in tallaabo laga qaadi doono askartii gubtay suuqa magaalada Gaarisa ee lagu magacaabo Suuq Mugdi.

Mwai Kibaki wuxuu ugu baaqay dadka reer Gaarisa inay dib ugu soo laabtaan suuqa oo ay diyaar u noqdaan dib u dhiska dowladda ay ku sameen doonto suuqaas.

Culumaa’udiin iyo waxgarad kasoo jeeda gobolka Woqooyi Bari Kenya ayaa ku hanjabay iney ka fiirsan doonaan kasii mid ahaanshaha Kenya haddaan wax laga qaban dhibaatada loo geystay reer Gaarisa.

maalin ka hor ayey ahayd markii ra”isulwasarah dalka kenya Mr.Raila Odinga uu dadka degan magalada nairobi u sheegay in soomalida degan wadanku ayna samayn karin falal  ka dhan ah ama wax u dhibaaya nabada dalka kenya isla markaana ay tahay in la dhowro xaquuqdooda.

Lughayanews:Nairobi.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: