Warar Dheeraad Ah Oo Laga Helaayo Xarumaha Caafimaadka Iyo Khasaare Ka Dhashay Mudaharaad Ka Dhacay Magaalada Qardho

 Garowe(Lug) wararka aan ka helayno xarumaha caafimaadka ee magalada qardho ayaa sheegaya  sii kordhayaan khasaaraha ka dhashay mudaharaad ka soconayey labadii maalmood ee tagtay magaaladda Qardho ee xarunta gobolka Karkaar ee maamulka Puntland, kaas oo looga soo horjeeday Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole, waxaana la sheegay in baanabaxyo rabshado wata oo halkaasi ka dhacay ay ku dhawaacmeen ugu yaraan 3-ruux oo mid ka mid ah uu qabo dhaawac halis ah ka dib markii askarta maamulka Puntland ay raasaas noon nool ku rideen dadkii dhigayey banaanbaxyada.

Sida warku sheegayo rasaasta ay dadkii banaanbaxayey ku fureen ciidanka Puntland ayaa waxaa la sheegay inay ku dhinteen ugu yaraan labo ruux, sidoo kalena warar kale oo soo baxay ayaa waxay sheegayaan in dhaawacyadu ay haatan cagacageynayaan ugu yaraan 5-ruux, inkastoo wararka laga helayo isbitaalada magaalada Qardho ay sheegayaan inuu jiro dhaawac farabadan oo aan qaarkood la keenin isbitaalka.

Dadka mudahaaradayey oo u badanaa carruur iyo haween ayaa isugu soo baxay daafaha magaalada Qardho, waxaana la sheegay in dadka dhintay ay haleeshay rasaastii ay fureen ciidanka Puntland, waxaana dadka dhintay ku jirtay Gabar yar, waxayna warar aan si rasmi ah loo xaqiijin ay sheegaya in dad careysan ay gubeen guriga looga arrimiyo gobolka ee xarunta gobolka, waxaana dadka rasaas ku kala cayriyey ciidamo hubeysan oo ilaalo ka hayey Guriga, waxayna dadkaasi ku dhawaaqayeen erayo ay ka mid ahaayeen maya muddo korarsi, yeeli-mayno inuu Faroole sii joogo Puntland, waa inuu xilka ka degaa iyo erayo kale oo looga soo horjeeday Madaxweynaha Puntland.

Warku wuxuu intaasi ku darayaa in markii ay rabshaduhu dhaceen ka dib ayaa ciidamo farabadan lagu arkay wadada laamiga ah ee dhexmarta magaalada Qardho, kuwaas oo xiray labadda dhinac ee magaaladda laga soo galo, waxaana hakad uu ku yimid gawaarida adeegsata laamiga dheer cabsi ay ka qabaan dadka mudaharaadaya dhigayey iyo ciidamadda hubeysan ee lagu soo daadiyey magaalada gudaheeda inay waxyeelo u geystaan.

Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole iyo wafdi uu hogaaminayey ayaa gaaray magaalada wax yar un ka dib markii ay istaaheen banaanbaxyada, waxaana la sheegay inay kulamo la yeesheen odayaasha iyo waxgaradka magaalada Qardho, inkastoo ay ahaayeen wadahadaladaasi kuwo ay albaabada la isku xirya oo aan la sheegin waxyaabihii ka soo baxay, waxayna warar hour dhac ah oo ka soo baxay kulamadaasi ay sheegayaan in Madaxwynaha Puntland uu halkaasi ka jeediyey khudbad uu kaga hadalay muddo kororsiga iyo halka uu yimid, wuxuuna sheegay inuusan xoog ku keenin muddo korarsiga halka sano ah balse sida uu yiri iyadoo lawada jooga la ansixiyey dastuurka Puntland oo dhigaya in xukuumadda markaasi jirtaa ay xilka heyneyso muddo 5-sano ah

Lama oga waxa ay ka yiraahdeen odayaasha Qardho hadlaka Faroole, inkastoo la ogyahay in qaar ka mid ah odayaashaasi ay ka soo horjedeen muddo korarsiga maamulka Puntland ee hadda talada haya sameystay, waxaase la sheegay in labada dhinac ay ku balameen in kulan kale ay isugu yimaadaan, halka sidoo kalena la isku afgartay in dadkii dhaawacmay baantooda ay bixiso Xukuumadda Puntland, taasina uu ogolaaday Faroole, waxaana magacyadooda lagu kala sheegay Sahra Ayax, Salaad Cali, Faarax Axmed Ciise Gurey iyo dad kale oo aan magacyadooda la sheegin.

 

Lugahaynews:Garowe.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: