Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Oo Soo Bandhigay Xeerka Warbaahinta

 Muqdisho(Lug):Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay dhowaan soo bandhigayso xeer cusub oo loogu talagalay inay hagto warbaahinta dalka. 

Wasiirka warfaafinta iyo isgaarsiinta xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Ciil-mooge Xirsi ayaa sheegay in xeerka cusub uu qeexayo xaqa uu leeyahay wariyaha iyo kan lagu leeyahay, isagoo xusay inay dhowaan horgayn doonaan baarlamaanka Soomaaliya si uu u eego.

Wuxuu sheegay in xeerka cusub uu wax ku kordhinayo xeerkii horay u jiray si wariyaha uu u ilaaliyo anshaxa saxaafadda iyo shuruucda caalamiga ah ee warbaahinta.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Cabdullaahi Ciil-mooge Xirsi ayaa sheegay in xukuumadda cusub ay xoogga saarayso soo celinta nidaamkii warbaahinta iyo isgaarsiinta dalka, isagoo carrabka ku dhuftay in la tayayn doono qalabka raadiyaha iyo taleefashinkga qaranka, isla markaan kor loo qaadi doono xirfadda shaqaalaha wasaaradda warfaafinta.

Wuxuu dhinaca kale sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay ka xun tahay dilalka iyo dhibaatada joogtada ah ee ka dhanka ah wariyeyaasha Soomaaliyeed, isagoo xusay inay mudnaanta koowaad siinayaan nabadgaliyada wariyeyaasha.

Lughayanews:Muqdisho.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: