War saxafadeed- Wasiiradda Wasarada Arimaha Dibada Foosiya Oo Shaacisay Inay Isbadal Ku Sameyn Doonta Waaxyaha Wasaaradda iyo Safaaradaha +Sawiro

 Muqdisho(Lug) Kulan isbarasho ah oo ay maanta la yeelatay Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Marwo Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan shaqaalaha kala duwan ee Wasaaradda iyo Safiirada Jamhuuriyadda Federaalka u matala qaar ka mid ah wadamada caalamka , goob joogna uu ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cabdidaahir Cabdiraxmaan Cabdi ayaa ku dhammaaday guul iyo jawi is afagarad leh. 

Wasiirku waxa ay cadeysay in dib u qaabeyn ay ku sameyn doonto qaab dhismeedka maamul ee waaxyaha wasaaradda oo ka kooban 11 waaxood iyo sidoo kale safaaradaha dibadda , iyadoo isbadalka cusub ee Wasaaraddu ay hiigsan doonto uu barbar socon doono qorshe lagu horumarinayo howlaha shaqo ee Wasaaradda , laguna dar-dar gelinayo maqaamka dowladnimo ee Soomaaliya ee caalamka .

Wasiirka oo la tashiyo la sameyn doonta Agaasimaha Guud , Agaasime waaxeedyada Wasaaradda iyo Guddi Diblomaasiyiin Soomaali ah ayaa waxa ay u howlgali doontaa diyaarinta qaabka la iskugu dheeli tiri karo Waaxyada Wasaaradda iyo sidoo kale Safaaradaha , si ay u suuragasho dhismaha shabakad isku xiran oo wadashaqeyn joogta ah ay ka dhaxeyso oo gudaha iyo dibadda ah .

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ah Wasaaradda ugu xilsaaran dowladda Federaalka gudbinta iyo sharxidda siyaasadda dibadda , dhaqan dhaqaale iyo bulsho ee Soomaaliya ayaa waxa ay isku howleysaa soo celinta sharafka dowladnimo ee Soomaaliya , si loo helo aragti wanaagsan oo Soomaaliya ay la wadaagto caalamka intiisa kale.

 

 

Lughayanews-Muqdisho.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: