Madaxweeynaha Soomaaliya Iyo Waftigii Uu Hogaaminyey Oo Si Heer-sare Loogu Soo Dhaweeyay Dalka Jabuuti

Djibouti(Lug) madaxweynaha jamhuuriyada soomaliya MD:Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafti baldhaan oo uu hogaaminayo oo saaka ka soo kicitimay caasimada dalka soomliya ee muqdisho ayaa dalka djibouti soo gaaray isla maanta magalada Djibouti ee jamhuriyada dalka Djibouti.

Safarka Madaxweynaha ayaa waxaa ku wehliyay Wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya C/kariin Xaaji Maxamuud Fiqi, Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir ahna La taliyaha Madaxweynaha, Agaasimaha Madaxtooyada iyo xubno kale.

Wafdiga Madaxweynaha oo saaka ka qaaday garoonka diyaaradaha Muqdisho diyaarada Jubba Airways oo rakaab ka qaaday Muqdisho ayaa waxaa markii ay gaareen Jabuuti waxaa garoonka ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Ra’iisul Wasaare Dileyte Maxamed Dileyti, Marti sharaf iyo Safiirada Caalamka u fadhiya dalka Jabuuti.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa salaan sharaf ka qaatay Ciidamada Baambeyda dalka Jabuuti, iyadoo ay u garaaceen Astaanta Calanka qaranka Soomaaliya, iyadoo kadib loo soo galbiyay Xarunta Madaxtooyada Jabuuti oo uu kulan kula qaatay dhigiisa Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Kulanka kadib, shir jaraa’id oo ay wada qabteen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Jabuuti ayaa waxay shirkooda jaraa’id uga hadleen xaaladda labadda dal, Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu warbixin ka siiyey dhigiisa Jabuuti Ciidamadda Jabuuti ee qaybta ka ah kuwa AMISOM ee jooga Soomaaliya, kaalinta ay ka qaadanayaan howlaha nabad ilaalinta.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan taageerada Jabuuti iyo dadaalka ay ugu jiraan sidii Soomaaliya nabadgelyo taam ah u heli laheyd, isagoo Madaxweynuhu ka dhawaajiyay inay xiriirka labada dal ee walaalaha ah ay sii xoojin doonaan,Booqashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ah tii ugu horeysay ee uu ku tago Jabuuti, tan iyo markii uu qabtay xilka.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Lughayanews: Djibouti.

 

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: