Midowga Yurub Oo Bixinta Mashaariicdii Waddooyinka Ku Xidhay Madax-banaanaynta Hay’adda SRA Ee Madaxwaynaha Hoos-geeyay Madaxtooyadda

Hergeisa(Lug) Madaxwayaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo dhawaan Hay’adda waddooyinka  ee SRA qaybteeda horumarinta hoose-geeyay Wasaaradda Madaxtooyadda isla-markaana qaybteeda hirgalinta Wadooyinka hoosgeeyay Wasaaradda Hawlaha guud, ayaa talaabadaasi kala kulmay Caddaadis badan.

Madaxwayne Siilaanyo oo xeer Madaxwayne hay’adda SRA Magaceedii ugu bedalay RDA (Road development Agency) isla-markaana qaybteeda horumarinta hoos-geeyay Madaxtooyadda, halka uu waaxda fulinta dhismaha Waddooyinkana hoose-geeyay awasaradda hawlaha guud, ayaa tallaabadaasi waxay ay ku keentay culays la xidhiidha dhaqaalihii wakaaladu ka heli jirtay ururka Midowga Yurub oo Somaliland ka caawin jiray waddooyinka.

Xeerka Madaxwayne Siilaanyo hay’adda Waddooyinka ku hoos-geeyay Wasaaradda Madaxtooyadda ee uu caqabada kala kulmay ayaa u dhignaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu xeer madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-1369/102012, oo uu soo saaray caawa uu ku cadeeyey in Hay’adda Waddooyinka Somaliland (SRA), la hoos geeyey wasaaradda Madaxtooyada JSL, Magaceeduna uu noqon doono Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka (Road Development Agency (RDA)

Maxdaxweynuhu:-

Markuu arkay; Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu dersay; Baahida loo qabo in La dejiyo Hay’ad si wax tar leh wax uga qabata sahaminta, horumarinta, dhisidda iyo qorshaynta Wadooyinka cusub ee isku xidha Magaalooyinka.

Markuu tixgeliyay; Ahmiyadda weyn ee Horumarinta Waddooyinku ugu fadhiyaan koboca dhaqaalaha dalka JSL,

Markuu tixgeliyey; Talada Wasiirka Wasaraadda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta, Guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka iyo La-taliyaha Hay’adda Waddooyinka,

Markuu garwsaday; Inay tahay waqti ku habboon in la dhiso Wakaalad horumarisa oo daboosha baahida waddooyinka,

Isago maanka ku haya; Dib-u-habaynta, Horumarinta Hay’adda Wadooyinku in ay Qaranka muhiim u tahay,

Wuxuu soo saaray Xeerkan

Qodobka 1aad;

1. Waxa uu tirtiray Guddida Maamulka Waddooyinka (RoSAB), Hay’adda Waddooyinka Somaliland (SRA), iyo Sanduuqa Dhaqaalaha Wadooyinka (RFA).

2. Waxa uu laalay Wareegtada Madaxwayne ee sumadeedu tahay No.29/32000 ee soo baxday 6 March 2000.

3. Hawsha dayactirka waddooninkana, waxa uu Xeerkani u wareejiyey Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta JSL, dakhliguna waxa uu uga imanaya qaybta ay ku leedahay (%) Cashuurta wado marista (R/Levy), Liisamada Gaadiidka (L/Levy) iyo wixii Deeq dayactir ah ee laga helo deeq-bixiyayaasha.

Qodobka 2aad; Waxa Xeerkan lagu aasaasay Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka (Road Development Agency (RDA)) oo hoos imananaysa Wasaaradda Madaxtooyada JSL, isla markaana yeelanaysa Maareeye Guud.

Qodobka 3aad; Wakaaladan waxa loo aasasay si ay u horumariso shabakadda

wadooyinka Qaranka (National Road Network), una dejiso

hannaan lagu horumariyo waddooyinka.

Qodobka 4aad; Xilka iyo waajibaadka Wakaaladdu waa;

1. Isku duwidda barnaamijyada horumarineed ee Waddooyinka Somaliland.

2. Sahaminta, isku xidhka iyo dejinta hannaanka dhismaha Waddooyinka.

3. Isku duwidda iyo isku habaynta barnaamijyada ku aaddan horumarinta Waddooyinka.

4. Maamulidda deeqaha iyo hantida lagu horumarinayo Waddooyinka.

5. Hubinta in hantida loo isticmaalay hab sax ah oo waxtar u leh Waddooyinka.

6. Ka talo-bixinta arrimaha la xidhiidha qorshaynta, dhisidda iyo hagaajinta Waddooyinka.

7. Diyaarinta siyaasad qaran oo ku aaddan horumarinta Waddoyinka.

8. Codsashada kaalmo gudeed iyo mid dibedeedba.

9. Maamulidda maaliyadda iyo samaynta xisaabo u gaar ah.

Qodobka 5aad;

1. Maareeyaha Wakaalada waxa soo magacaabaya Madaxweynaha JSL.

2. Mareeyaha Wakaaladdu waa sarkaalka maamulka iyo maaraynta Wakaaladda.

Qodobka 6aad; Maareeyaha wakaaladdu wuxuu u xilsaaran yahay:

1. Fulinta go’aamada ka soo baxa Wasaaradda.

2. Wadidda hawl maalmeedka Wakaaladda.

3. Haynta raadraaca xisaabaadka, iyada oo la raacayo hab xisaabeedka laamaha dawladda.
4. La-saxeexidda jeegagga iyo foojarada Wasiirka iyo Agaasimaha Maamulka (Waxay ku

baxayaan saddex saxeex), maamulidda maaliyadda iyo miisaaniyadda.
5. Diyaarinta warbixin sandeedka Wakaalada.

Qodobka 7aad;

1. Wakaaladdu waa in ay diyaarisaa warbixin sanadeed iyo xiligii loo baahdo, warbixintaas oo koobaysa wax-qabadka iyo hab-xisaabeedka Wakaallada.

Qodobka 8aad; Qorista shaqaalaha Wakaaladda waxa loo raacayaa Xeerka
Shaqaalaha Dawladda

Qodobka 9aad;

1. Dakhliga Wakaaladdu waxa uu ka imanaya qaybta ay ku leedahay miisaniyadda Qaranka, qaybta ay ku leedahay Cashuurta Shidaalka (F/Levy) iyo wixii deeqo ah ee soo gala.

2. Habka maamulka maaliyada waxa loo racaayaa hanaanka Xeerarka maaliyada ee dalka.

Qodobka 10aad; Wakaaladu waxay yeelanaysaa waaxaha lagama Maarmaanka u ah hawl gudashadeeda, waxaana Xeer ku soo saaraya Wasiirka.

Qodobka 11aad; Xeerkani waxa uu dhaqan gelayaa marka Madaxwaynuhu Saxeexo.”

Ilo-wareedyo xog-ogaal ah ayaa Wargeyska Madaxa-banaan ee Waaheen u sheegay in midowga Yurub oo Somaliland ka caawiya horumarinta Waddooyinka isla-markaana dhaqaale badan siin jiray hay’adda Waddooyinka ee SRA uu afar maalmood ka hor qoraal u soo diray Madaxwaynaha, kuna wargaliyey in aanay dhaqaale dambe ku bixinayn Waddooyinka Somaliland, ilaa hay’adda Waddooyinka sideediii hore lagu soo celiyo oo la madax-banaaneeyo.

Sida ilo lagu kalsoon yahay Waaheen u sheegeen midowga yurub ayaa qoraalkooda ku caddeeyay in tallaabada Madaxwaynuhu qaaday caqabad ku noqonayso inay dawladda ka taageeraan hawlaha lagu horumarinayo jidadka dalka.

Wasiirrada wasaaraddaha qorshaynta iyo hawlaha guud, ayaa markii Madaxwayne Siilaanyo wareegtadan soo saaray kula taliyey inuu ka noqdo oo uu hay’adda sideeda ku celiyo, laakiin ilaa hadda Madaxwayne Siilaanyo go’aankiisa waxba kama bedalin, iyadda oo ay xitaa soo faro-galiyeen midowga Yurub.

Qoraalka Midowga Yurub, ayaa ku soo beegmaya xili Wadda-dhaqeynta xukuumadda Somaliland iyo Jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa uu madmadow soo kala dhex galay isla-markaana qoraalo dirir ah la iswaydaarsaday.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: