Maydkii Madaxweynihii Hore Falastiin Yassin Arafat Oo Dib Qabriga Looga Soo Saaray Si Baaritaano Loogu Sameeyo

Cairo(Lug) Madaxweyinihii hore ee Falastiin Yassir Carafat, ayaaa maanta dib qabriga looga soo saaray iyadoo la rabo in baaritaano lagu sameenayo taas oo keentay kadib markii shaki yimid in madaxweyne Arafat la sumeeyey.

Muddo hada laga joogo 5 bilood ayaa baaritaan uu sameeyey Telefishinka Aljazeera lagu ogaaday in dharkii uu qabay markii ugu danbeysay hogaamiyaha Falastiin oo dhintay 8 sano kahor, in laga helay dharkaasi raadka Uraniyum, arrintan oo keentay shaki weyn in Madaxweynihii hore ee Falastiin la sumeeyey.

Baaritaankaasi oo ay sameeyeen Khubaro reer Switzerland ah ayaa lagu sheegay in sunta laga helay dharka Yassir Carafat ay tahay mid halis ah isla markaana aan si fudud dharkiisa u gaari karin, arrimahan oo sabab u noqday in Xaaskii uu ka dhintay Yassir Carafat ay codsatay in dib loo baaro meydka hogaamiyihii hore ee Yassir Carafat.

Maanta ayey Qabriga Yassir Carafat ee magaalada Ramallah ay gaareen xubno ka socda Danbi baarista dalka Faransiiska oo ah goobtii uu ku dhintay Carafat iyo khubaro ka socota dalka Switzerland kuwaasi oo lagu wado inay baaraan lafaha Madaxweynihii hore si loo ogaado in la sumeeyey,Walow aan la aqoon waxa ay ka heli doonaan meydka maadaama la aasay Yassi Carafat muddo hada laga joogo 8 sano.

Shacabka reer Falastiin ayaa arrintan isku khilaafsan, qaar ayaa aaminsan inay khalad tahay in dib loo soo faago Meydka hogaamiyahooda, halka kuwo kale doonayaan in baaritaan fiican lagu sameeyo ayagoo ku eedeenaya Israa’iil inay sumeysay hogaamiyihii hore ee shacabka Falastiin.

Isra’iil ayaa illaa iyo hada ka gaabsatay inay ka hadasho eedeynmaha ku aadan inay sumeeyeen Yassir Carafat hadii la helo cadeemo muujinayaa in la sumeeyey Yassin Arafat madaxweynihii hore ee falastiin  waxay keeni kartaa in labada  shacab ee  Awalba xidhiidhkoodu xumaa in hadana ay ka sii darto xaalku sida uu hada yahay.

Lughayanews-Cairo

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: