Wafdi Kasocda Midowga Yurub Oo Soo-gaaray Muqdisho Kulanna Laqaatay Ra’isal wasaaraha Soomaaliya

Muqdisho(Lug)  Wafti baladhan oo uu horkacaayay safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya uqaabilsan soomaliya  ayaa maanta soo gaaray magalada muqdisho waftigan ayaa waxaa qaabilay Ra”isulwasre Saacid   xili madaxweynuhu oo socdaal ku marayo wadamada jaarka ah.

Wafdigaan ee uu horkacaayay safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub Michel Carves Deurso ayaa waxaa ay kulan  la qaateyn Ra’iisul Wasaaraha dalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo qaar ka tirsan  Golaha Wasiirada Soomaaliya.

Waxaana uu kalankaan ka dhacay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya markii uu soo idlaaday kulankaan ayaa waxaa saxaafada kaga war bixiyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Safiirka Midowga Yurub ee dalka Soomaaliya.

Ugu horeyntii Ra’iisul Wasaaraha dalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid waxaana uu sheegay waxyaabaha ay ka wada hadleyn ay ugu waaweyn naayeen ay kamid ahayeen sidii la isaga kaashan lahaa dhanka ammaanka dhaqaalaha.

Michel Carves Deurso Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub ayaa dhankiisa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay kulanka uu maanta la qaatay wasiirada cusub ee Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka.

Waxaana uu shaaca ka qaaday in intii uu socday kulankaan waxyaabihii ay kawada hadleyn ay kamid ahaayeen sidii Dowladda Soomaaliya looga gacan siin lahaa ammaanka Magaalada Muqdisho iyo dhanka dhaqaalaha.

Midowga Yurub ayaa marwaliba muujiya taageerada ay u hayaan Dowladda cusub ee dalka Soomaaliya iyadoo dhowr mar uu Muqdisho soo gaaray safiirka Midowga Yurub ee dalka Soomaaliya.

Lughayanews:Muqdisho.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: