Dagaal Xoogan Oo Ka Bilaamay Degmada Xudun Ee Gobolka Sool Wakhti La Filaayo Inay Doorshada Golaha Deegaanku Ka Qabsoonto

Hergeisa(Lug) Wararka ka imaanaya gobolka Sool ayaa sheegaya in goor dhowayd dagaal xooggan uu ka qarxay degmada Xudun oo 83 km u jirta magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka.

Dagaalka ayaa ka socda labo goobood oo kala ah Cadweyn oo koonfur bari kaga beegan magaalada iyo Gobley oo 5 km dhinaca bari kaga beegan magaalada, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay weriye madax-bannaan oo ku sugan halkaas.

Dagaalka ayaa u dhaxeeya ciidamada  qaran Somaliland iyo kuwa maamulka Khaatumo oo in dhawanahanba isku hor fadhiyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddun oo xataa labo cisho ka  hor waxaa lagu af-duubay godoomiye ku xigeenka ururka Xaqsoor.iyadoo la ogyahay inay dhibaato ka Alusan tahay degankaas ayaa hada somaliland ay isku dayday inay jiidh siiso oo ay sanaduuq geyso degmada xudun.

Goob jooge ku sugan Xudun ayaa wuxuu u sheegay in dagaalku qarxay kadib markii Gudiga doorashooyinka & Ciidamada Somaliland ay halkaas keeneen sanduuqyada codbixinta si magaaladaasi looga codeeyo Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka ee maanta ka dhacaysa Somaliland.

Dagaalka ayaa ah mid ilaa hada socda waloow rasaastu aysan sidii hore u dhacayn waxaana lagu soo waramayaa ugu yaraan 4 ruux oo labada dhinac ah inay ku dhinteen dagaalkan iyadoo dhaawucuna intan ka sii badan yahay.

shalay ayey ahayd markii Salaaddiinta oo kulan ku yeeshay magaalada Xuddun ay cod dheer ugu sheegeen Somaliland inayna wax sanaadiiqda doorashada keeni karin magaalada, waxayna sheegeen inay taasi horseedi karto dhibaato halkaasi ka dhacda.

Doorashada golayaasha deegaanka ee  Somaliland ayaa saaka looga dareeray dhamaan gobolda iyo degmooyinka somaliland si muwadinkasta oo codkiisa ugu hiiliyo musharax uu tageersan yahay dhamaan gobolada somaliland ayaa waxaa si wanaagsan ugu socda codbixinta marka laga reebo deeganada bari oo laga soo sheegaayo xooga shaaqaaqooyin ah.

Lughayanews:Hergeisa.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: