Magalada Hergeisa Oo Saaka Safaf Dhaadheer Loo Galay Sidii Muwadiintu Codkooga U Dhiiban Lahayeen Iyo Madaxweyne Siilaanyo Oo Codkiisa Saaka Aroortii Dhiibtay +Sawiro

Hergeisa(Lug) Guud ahaan gobolada iyo degmooyinka Somaliland ayaa waxa saaka ka looga dareeray cod bixinta doorashada golayaasha Deegaanka, taasi oo ay ku tartamayaan 7 urur/xisbi oo sadex ka mid ah la doonayo inay u gudbaan xisbiyo qaran.

saaka aroortii hore ayaa ayaa waxaa magalada hergeisa ka bilaamantay sida ay gobolada kaliba loogu soo dareeray doorashada golaha deegaanka ayaa waxaa hergeisa ay la mid noqotay magaalooyinka kale iyadoo safaf dhaadheerna dadku u galeen sidii ay codkoodu u dhiiban lahayeen.

Madaxweynaha somaliland ayaa ka mid ahaa dadka saaka codkooga ka dhiibtay magalada hergeisa isagoo madaxweynuhu uu ka codeeyey saaka guriga shaqaalaha ee magalada hergeisa kadib markii uu codkiisa  dhiibtay ayaa waxuu madaxweynuhu la hadlay warbaahinta waxana hadalkiisii ka mid ahaa “Codkii aan xaqa u lahaa ayaan ka dhiibtay halkan, INSHA ALLAH waxaan rajaynayaa in aynu noqono kuwii ku guulaysta Doorashadaas ayaan ILAAHAY Ka rajaynayaa.”

intaas kadib madaxweynaha iyo waftigii uu hogamaniyey ayaa waxay socod ugu jeexan dhanka madaxtooyada iyagoo lug ku tagay madaxtooyada soomaliland markii ay codkooda dhiibteen kadib.

sidoo kale marwada kowaad iyo qaar ka tirsan golaha wasiirada ayaa iyaguna sidoo kale goobta ka dhiibtay codkooga sidoom kale gudoomiyayashaa xisbiyada qaar kood ayaa iyaguna ku wahelinayey madaxweynaha oo halkaas codkooga ka dhiibtay.

dhamaan goobaha magalada hergeisa iyo nawaxaageeda ayaa si nabdoon ilaa hada doorashadu ugu socotaa ilaa inta la ogyahay.

Lughayanews:Hergeisa.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: