Golaha Degaanka Cusub ee Degmada Baki oo La Shaaciyey

Baki- Magaalo madaxda gobolka Awdal ee Baki ayaa waxa la shaaciyey natiijadi doorashada ee golaha degaanka oo wareegan si xoog leh ay uga soo baxeen musharixiinta degaanka Dilla u badan ee beelaha Reer Nuur Yonis, makahiil samaron. Natiijadan oo soo baxday maalin ka dib markii la shaaciyey degmada Lughaya ayaa shacabku soo dhaweeyeen sida xaraga leh ee ilbaxnimadu ku dheehan tahay ee loo tartamay iyadoo degaanada qaar soo sharaxeen musharxyo kooban halka qaarna ay is balaadhiyeen taasina ay ku keentay guul daro lagu kala hadho.Waxa dhamaan shacaba Awdal iyo Selel ay aad usoo dhaweeyeen sida kartida leh ee ay ugu quus gooyeen xisbigii faashilka ahaa ee reer Awdal iyo Selel u bixiyeen Xumaar Soor oo degmada Bakina wajigabax la filayey kala kulmay.

Sida cododka loo kala helay ayaa tibaaxaysa:

In beelaha reer kusoo baxeen 9 mudane halka beelaha Reer Maxamed na ay kusoo baxeen 3 mudane oo ay halkaa ku lumiyeen 3 mudane kuna waayeen mayer kii magaalada Baki halka beelaha HabarCafaan ay soo saareen hal mudane.

1  Bare Jamac Yusuf       KULMIYE   REER MAXAMED    (Mayer kii hore)

2   Maxamed Muxumed Nuur   KULMIYE   REER NUUR

3   Cabdirashid Sh. Maxamed Xassan    KULMIYE   REER NUUR

4   Farxaan Cabdi Cali Caynaanshe   KULMIYE   REER NUUR

5   Xuseen Muxumed Geele Waaberi   KULMIYE   REER NUUR

6   CCabdilahi Xassan Ardaale Farax   DALSAN   REER NUUR

7  Maxamed Nuur Cilmi Agon  DALSAN   REER NUUR

8   Dayib xassan raage Kibaar           WADANI   REER MAXAMED

9   Siyad Nuur Qaayib Jibril          WADANI   REER NUUR

10   Ducale axmed Yusuf Go’aye   WADANI   REER MAXAMED

11 Axamed Xuseen Xassan Jamac    XAQSOOR   JIBRAACIN

12   Maxamed Ahmed Caateeye Suldan   UMMADA   REEN NUUR

13   Maxamed Axmed Cumar Muhumed    UMMADA    REER NUUR

Tartanka doorasho ayaa la filayaa inuu kasii qurux badnaan marka shacabka la qoro ee si buuxda loo codeeyo iyadoon habab kale la isticmaalin sida imika tartanku uu ka dhexeeye musharixiinta wuxuu isku badali mid musharixiintu ay dadka u kala baratamaan oo ninkii wax u qabanaya ay u codeeyaan.

Lugahaya News Baki

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: