Maalinta Aids-ka Loo Qoondeeyey Oo Maanta Aduunka Dhan Laga Xusayo

AIDS-ribbonWashington(Lug) Waxaa maanta adduunka looga dabbaal-degayaa maalinta Aids-ka adduunka oo sanad kasta maanta oo kale (1-da December) la xuso ayaa waxaa maanta loo asteyey maalinta Aids aduunka.

Maalintan waxaa loo asteeyay in dadka lagu guubaabiyo ka hor tagga fiditaanka jeermiska HIV ee dhaliya cudurka Aids-ka iyo in aan la takoorin dadka cudurka la nool ee aduunka ku dhaqan.

Dad ka badan 25 milyan oo qof ayuu cudurka dilay intii u dhexeeysay sanadihii 1981-kii illaa sanadkii 2007, sida ay sheegtay daraasad caalami ah, iyadoo in ka badan 33 milyan ay cudurka la noolaayeen muddadaas dhexdeeda.

Digniinaha iyo wacyigelinta cudurka ee caalamiga ah ayaa la sheegay inay hoos u dhigtay qatarta iyo fiditaanka cudurka Aids-ka, qaaradda Afrika haba ugu horreysee.

Sanadkii 1995-kii, madaxweynihii dowladda Maraykanka Bill Clinton ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in 1-da December loo aqoonsado maalinta caalamiga ah ee Aids-ka, iyadoo waddamo badanna ay taageereen xuska maalinta.

Lughayanews: Washington.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: