Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Islaamka Iyo Dowlada Turkiga Oo Ka Dhacay Istanbul Oo Soomaaliya Lagu Taageerayey

turkigaIStanbul(Lug) Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Turkiga ayaa lagusoo gebagebeeyey magaalada Istanbul ee Dalka aynu walaalaha nahay ee Turkiga.

Recep Tayeb Erdogan Ra’iisal wasaaraha Turkiga oo kulankaan marti galiyaya ayaa khudbad ka jeediyey xiritaanka shirka waxaana uu ka hadlay arimmo badan oo quseeya Soomaaliya iyo guud ahaanba dalalka carabta gaar ahaanna hormarradii ugu dambeeyey ee laga gaaray dhinacyada ammaanka iyo siyaasadda.

Ra’isulwasaaraha Dalka Turkiga Recep Tayeb Erdogan ayaa khudbad ka jeediyey xiritaanka shirka waxaana uu ka hadlay arimmo badan oo quseeya Soomaaliya iyo guud ahaanba dalalka carabta gaar ahaanna hormarradii ugu dambeeyey ee laga gaaray dhinacyada ammaanka iyo siyaasadda.

Xoghayaha Koobaad ee Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga Mudane C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in go’aannada shirka kasoo baxay ay ugu horeeyaan taageerro loo jeediyey Dowladda cusub ee Soomaaliya ayadoo shirkana lagu go’aamiyey in Dowladda loo taageero si wadajir ah.

Mudane C/qaadir Maxamed Nuur Xoghayaha Koobaad ee Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga ayaa u sheegay idaacada Dawlada Radio Muqdisho u sheegay in go’aannada shirka kasoo baxay ay ugu horeeyaan taageerro loo jeediyey Dowladda cusub ee Soomaaliya, iyadoo shirkana lagu go’aamiyey in Dowladda loo taageero si wadajir ah.

Dhinaca kale shirka ayaa wasiiradii ka kala socday Carabta iyo Turkiga ugu hambalyeeyey shacabka Falastiin guusha ay ka gaareen in calankooda laga taago xarunta golaha Ammaanka Q.M ee Newyork.

Sidoo kale shirka Carabta iyo Turkiga ayaa ugu hambalyeeyey walaalaha Falastiin guusha ay ka gaareen in calankooda laga taago xarunta golaha Ammaanka ee Q.M.

turkiga

 

turkiga1

 

turkiga2

 

turkiga3

 

turkiga4

 

turkiga6

 

turkiga7

turkiga8

 

turkiga9

 

 

Lughayenews: Istanbul.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: