Wafdi Uu Hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga Jabuuti Oo Gaaray Magaalada Beledweyne.

Baladweyne  Muqdisho(Lug) Wafdi uu hoggaaminaayo wasiirka gaashaandhigga dalka Jabuuti Cabdikariim Maxamuud Kaamil ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wafdiga wasiirka waxa ku jira taliyaha ciidamada nabad-sugidda Jabuuti Xasan Saciid iyo abaanduulaha ciidamada dalkaasi Sakariye Sheekh Ibraahim, sida uu warbaahinta u sheegay taliyaha ciidamada AMISOM ee gobolka Hiiraan Cusmaan Dubbad.

Taliyaha waxa uu ujeedada booqashada wafdiga ku sheegay inay u kuurgalayaan xaaladda ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya iyo xiriirka wada-shaqayn ee labada dhinac ka dhaxaysa.

Wafdiga ayaa kulan la qaadanaya maamulka gobolka Hiiraan, saraakiisha ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda taas oo la filaayo in dhawaan si wada jira loo shaaciya waxa ay isyiraahdeen masuliyiinta kulantay.

 

 

Lughayanews:Muqdisho.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: