Madaxweynaha Soomaaliya Iyo Wafti Balaadhan Oo Uu Hogaaminayo Oo Maanta Ku Sii Jeeda Dalka Turkiga

From-Jabuti-to-Itoobiya-96Muqdisho(Lug)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu goor dhow u ambabaxo dalka Turkiga, halkaasoo uu tagayo booqasho rasmi ah.

Socdaalka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la xiriira casuumaad uu ka helay dhiggiisa Turkiga Abdullah Gül, waxaana safarkiisa ku wehlin doona shan xubnood oo ka kooban afar wasiir oo ka tirsan xukuumadda federaalka dalka iyo taliyaha ciidamada xoogga dalka Jeneraal Cabdulqadir Sheekh Cali Diini.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu maanta ka dago magaalada Ankara, wuxuuna Turkiga ku sugnaan doonaa muddo afar maalmood ah,Marka uu dhammeysto wada-hadallada rasmiga ah ee uu madaxda Turkiga kula qaadan doono Ankara, Xasan ayaa la filayaa inuu Khamiista gaaro magaalada Istanbul.

Madaxda Turkiga iyo Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay ka wada hadlaan arrimo ay ka mid yihiin xiriirka labada dal iyo horumarrada caalamiga ah ee saameynta ku leh qaaradda Afrika, gaar ahaan Geeska Afrika.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Turkiga ayaa lagu sheegay inuu madaxweynaha Turkiga ku faraxsan yahay booqashada madaxweyne Xasan uu ku tagayo Turkiga.

Waa markii ugu horreysay oo uu madaxweyne Xasan booqasho ku tago dalka Turkiga, tan iyo markii uu noqday madaxweynaha dowladda Soomaaliya horraantii September ee sannadkan.

Dhanka kale   dowladda Turkiga ayaa ahaa dalkii kaalinta ballaaran ka qaatay gurmadkii abaaraha ku dhiftay Soomaaliya sanadkii hore, iyadoo Muqdisho uga furan safaarad, isla markaana hey’ado fara badan oo qaabilsan gar gaarka bani’aadanimada iyo shaqaale ay ku sugan yihiin.

Lughayanews:Muqdisho.

One Response

  1. waan hanbalyeynaya madaweynaha somali xassan shekh maxamuud garaabkaga eebe hagalo galadiisana hakugu gargaaro wanaaga samaha sawrahaleh sadkaga hakayeelo aamiin aamiin aamiin

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: