Ururkii Fashilmay ee Xaqsoor oo Xasilooni Daro iyo Rabshado Xoogan ka Abuuray Magaalada Hargeysa

xaqsor, Xumaarsoor, xassan CiiiseHARGEYSA: Rabshado la sheegay inay ka socdaan magaalada Hargeysa kadib markii lagu dhawaaqay natiijada doorashada degaanka ee magaalada oo ururo cusub oo dalka ku haya dhibaato hor lehi ay markiiba xidheen buundada magaalada Hargeysa ugu muhiimsan. Buundadan oo ay u badan yihiin taageerayaasha ururka Xaqsoor oo xumaan xoog leh iyo kala qaybin ku caan baxay ayaa wararku ku eedaynayaan in ay ka masuul yihiin rabshadahan Hargeysa ka socda.

Gudoomiyaha ururka Xassan Ciise ayaan ka bixin wax jawaab ah rabashadanahan oo ay maanta galabtii saacada Hargeysa ay qaadaceen natiijada doorashada goloaha degaanka Hargeysa.

Shabakada Hadhwanaag ayaa kaalin laxaad leh ka qaadatay buunbuuninta iyo xiisad abuurista gobolada galbeedka oo ay wararku sheegayaan in Cabdinasir Hadhwanaag oo ay isku jufo hoose yihiin ururkii reer Awdal u bixiyeen Xumaansorr uu ugu balan qaaday inuu xilka dalka uu markuu ku guulaysto uu ka qayb galin doono halka ay ilo kale sheegayaan.

Ururkan oo xisaab qaldan isku gaystay oo isagoon ogayn taageerayaashiisu awooda ay dalka ku leeyihiin ayaa si xun ugu fashilmay tartan ururada iyo xisbiyada Somaliland.

Shacabka Hargeysa ayaa ku yaboohaya in Xassan Ciise maxkamad lasoo saaro maadam oo uu dalka rabshad galiyey fashilnimada siyaasadiisuna tahay mid uu naftiisa ku eersado ee uuna shacabka nabada ku hurda uusan khaakhuul galin.

Lughaya News Hargeysa

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: