Gudiga Doorashooyinka KMG Ah Ee Puntland Oo Kordhiyey Mudada Diiwaangelinta Ururada Siyaasada Puntland Soona Saaray Warsaxafadeed

gudiga3Garowe(Lughaya)Guddiga Doorashooyinka Puntland ayaa maanta 08 December,2012 ku dhawaaqey in muddo saddex todobaad ah lagu kordhiyey wakhtiga ay xirmeyso diiwaangelinta ururada iyo axsaabta siyaasada Puntland oo horey u ahaa 10-ka bishan December,2012.

Gudoomiyaha Guddiga KMG ee Doorashooyinka Dr.Maxamed Xasan Barre ayaa ku dhawaaqey arrintan ,waxana uu amaanay habka ay u socdaan u gudbiadda nidaamka axsaabta badan Puntland.

Ka sokow Ururka Horseed ee talada haya haatan Puntland waxa jira ururo kale oo dhowaan looga dhawaaqey Bossaso oo ay majaraha u hayaan ganacsato reer boosaso ah iyadoona la filayo in kuwo kalena ku soo biiraan saaxada siyaasada Puntland si loo dhamaystiro geedi socodka looga baxayo nidaamka wax ku qaybsiga Qabiilka.

Haddaba Warsaxafdeedka Ay Guddiga Doorashooyinka Maanta Ay Soo Saareen Ayaa Qornaa Sidatan:

 Ujeedo:Kordhinta Mudada Diiwaangelinta Ururada Siyaasadda Puntland.

Guddiga doorashooyinka ee kmg markuu shirar wadatshi ah la yeeshay waxgaradka bulshada Puntland ee gobollada dalka.

Markuu Dhagsaystay :codsiyo ka imaanaya bulshada qaybaheeda kala duwan,

Markuu u kuurgalay :dareenka dadweynaha ee ku aadan rabitaanka iyo furashada Ururada siyaasadda ee Puntland.

Markuu Arkay :u heelanaanta iyo abaabulka ballaaran ee bulshadu wado si ay u furato ururro siyaasadeed,

Markuu Tixgeliyey: mudada kooban ee u harsan diiwaangelinta ururada siyaaasadda ee Puntland oo ku eg 10-ka December ,2012.

Markuu Arkay :wakhtiga uu u baahanyahay hanaan iyo habraaca laga doonayo ururada siyaasadda ee Puntland inay soo buuxiyaan si loo diiwaangeliyo,

Guddiga doorashooyinka ee kmg ah fadhi rasmi ah oo uu yeeshay khamiista oo taariikhda ay ahayd 6 December 2012,wuxuu go’amaiyey in la kordhiyo mudada diiwaangelinta ururada siyaasadda ee Puntland laguna daro saddex toddobaad oo ku eg 31 December,2012,guddigu wuxuu cadaynayaa kordhintan wax saamayn ah kuma yeelan doonto hanaankii iyo Roadmap-kii horay loo soo bandhigay.

Ururada is diiwaangeliyey waxaa laga doonayaa inay shuruudaha wajiga labaad ay ku soo dhamaystiraan ka hor 10 February 2013,sida ku cad hanaanka diiwaangelinta ururada siyaasadda iyo Roadmap-kaba.

Guddigu wuxuu ka cadsanayaa dadweynaha ururada siyaasadda ee Puntland inay mudadaas kor ku xusan ku soo dhamaystiraan dhmmaan shuruudaha laga doonayo si loo diiwaan geliyo.

DHAMAAD.

 

Lughayanews:Garowe.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: