Gudiga Doorashooyinka Qaranka Oo Sheegay Inay Dib U Eegis Ku Samayn Doonaan Degmada Hergeisa Oo Kaliya Maadama Tabasho Badan Ka Soo Noqotay Caasimada

xamariHergeisa(Lughaya) Komiishanka doorashooyinka Somaliland ayaa ku dhawaaqay inay dib u eegayaan natiijadii ka soo baxday degmooyinka Caasimadda Hargeysa oo tabashooyin badan ka soo noqdeen.

Gudoomiyaha Komishanka jamhuuriyada somaliland Md: Ciise Yuusuf Maxamed (Xamari) ayaa sheegay goordhawyd in ay hakiyeen ku dhawaaqista kama danbaysta ah ee degmada hergeysa maadama ay tabasho badan ka timid ayuu yidhi”  Mr Xamaari” oo warbaahinta la hadlayey.

Gudoomiye Xamari Oo hadlkiisa sii wata ayaa yidhi ” Komiishanka doorashooyinka qaranka ee xarunta dhexe waxa uu go’aan ku gaadhay maanta in la eego oo laga debba taggo, wixii laga qaban karana laga qabto hakadna wuu saaray natiijadda ay ku dhawaaqeen ee degmadda, goobihii laga cabanayeyna dib bakhaarkii loo furo oo la iskula eego, si tabashadaasi loo debaalo si aan dhiig dambe u sii daadan.”

Gudoomiyaha Ciise Yuusuf Maxamed (Xamari) waxuu sheeegay inuu kalsooni badan ku qabo waxay ay sheegeen komashinka degmada haergeisa isla markaana ayna jirin in wax buuran oo la taaban karaa is badalo lakiin ay muujinayaan kalsooni iyo inay shaki bixiyaan oo kaliya ururada tabashada ka keenay caasimada hergeysa.

Gudoomiye Xamari mar uu ka hadlayey halka ay dib ugu noqonayaan si ay saxafada ugu cadeeyaan ayuu yidhi”Xisbiyadda waanu iska aragnay way ku qanceen waana Hargeysa meesha lagu noqonayaa oo kaliya.”

Kadib markii la yeedhay natiijada hordhaca ah ayaa waxaa looga fadhiya gudiga komishanka qaran jamhuuriyada somaliland in Todobadan soo socda ay si kama danbays ah ugu dhawaqaan natijaada ay shaaciyeen  gomishanka degmooyinka jamhuuriyada somaliland.

 

Lughayanews:Hergeisa.

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: