Muuse Biixi Oo Markii Ugu Horaysay Ka Hadlay Natiijooyinkii Doorashooyinka

Hargeysa(lughaya):-gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa markii ugu horaysay ka hadlay doorashadii golaha deegaanka ee dalka ka qabsoontay dabayaaqadii bishii hore.

Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye waxa uu sheegay in guusha xisbiga Kulmiye muujinayso sida ay shacabka Somaliland wali ugu kalsoon yihiin xisbigaas, iyo wada lahaansho uu sheegay in xisbiga Kulmiye la wada leeyahay.
Ugu horayn gudoomiyaha xisbiga Kulmiye oo ka hadlaya rabashadii ka dhacay caasimada Hargeysa ee ka dhashay natiijooyinkii doorashada golaha deegaanka ee caasimada taas oo saluug badan laga muujiyey ayaa yidhi “waxaan marka hore aad uga xunahay dhibaatadii ka dhacday meelo ka mida caasimada Hargeysa, waxaan tacsi u diraynaa dadkii ku dhintay ehelkoodii iyo qaraabadoodii ilaahayna waxaan ka rajaynaynaa in intii ku dhawaacantayna caafimad deg deg ah siiyo, waxaan rajaynaynaa in ilaahay dhibaatoyinkaa iyo kuwa kalaba inaga qaboojiyo, waxaanu soo jeedinaynaa in wixii khilaafa ee yimaada lagu xaliyo hab nabad galyo ah iyo gar naqsi, waxaanu aaminsanahay inaan meel lagu gaadhayn cunfiga iyo cadhada.

Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inuu hanbalyo u dirayo taageerayaasha xisbiga Kulmiye ee taageeray musharaxiinta xisbigaas ?aniga oo ku hadlaya magaca xisbiga Kulmiye waxaan mahad hanbalyo mahad naq u dirayaa dhamaan shacbi weynaha Somaliland gudo iyo dibadba meel ay joogaanba sidii nabad galyada iyo sharafta lahayd ee ay uga qayb qaateen doorashooyinkii golaha deegaanka ee qabsoomay dabayaaqadii bishii aynu ka soo gudubnay,waxaan u mahad naqaynaa guddida doorashooyinka qaranka iyo hawl wadeenadiisa,waxaan u mahad naqayna xisbiyadii,ururada iyo musharaxiintii sida sharafta leh utartamay, waxaanu bogaadinaynaa xukuumada Somaliland gaar ahaan madaxweynaha oo ka hawl galay sidii ay doorashadani u qabsoomi lahayd iyo sugitaanka amniga, waxaanu u mahad celinaynaa ururada caalamiga ah,kuwa dawliga ah iyo kuwa aan dawliga ahayn ee la saaxiibka ah Somaliland ee gacanta ka gaystay geedi socodka dimuqraadiyada Somaliland iyo doorashooyinkii hada qabsoomay

Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye oo ka hadlay doorashadii ka dhacday dalka ayaa sheegay in natiijada uu xisbiga kulmiye ka helay doorashadu ay rajo fiican u tahay dhamaystirka balan qaadyadii xisbiga ?Shacabka Somaliland isaga oo aad u mahadsan waxa uu mar kale siiyey kalsoonidiisa xisbiga Kulmiye taasi waxay ishaaro iyo fursad wanaagsan u tahay dhamaystirka qorshayaashii xisbiga hore ugu degsanaa ee ay xukuumadani fulinaysay, in xisbiga kulmiye hogaamiyo dhamaan gobolada dalka oo shacabku kalsoonidiisa siiyo waxa keentay wada lahaanshaha xisbinimada,talo wadaaga iyo is aaminaada xisbiga Kulmiye iyo shacabka Somaliland,iyada oo laga turjumaayo taas xisbiga Kulmiye waxa uu si fir fircoon uga hawl galayaa sii xoojinta barnaamijkii xisbiga ee hore loo waday mudadii ay xukuumadani jirtay, sii xoojinta amniga,adeegyada bulshada iyo kaabayaasha dhaqaalaha iyo ictiraaf raadinta.

Si nabad galyada dalku tiirar adag ugu taagnaato waxa xisbiga Kulmiye u taagan yahay kana go,aana qodobadan soo socda.

La dagaalanka fakhriga iyo shaqo la,aanta, kulmiye waxa mudnaanta siinayaa sii xoojinta qorshayaashii socday iyo dhiiri gelinta maalgashiga khayraadka kala duwan ee dalka ku duugan, si shaqo loogu abuuro da,yarta loogana faa,iidaysto aqoon yahanka dalka.?

Iyada oo ay jirto dhaqaale yari culays badan ku haysa dadka danyarta ah xisbiga Kulmiye waxa uu dedaal xoogan ugu jiraa sidii loo abuuri lahaa warshado yar yar oo dadku u shaqo tagaan.

Xisbiga Kulmiye waxa uu dedaal badanu galay wax soosaarka dalka iyada oo wasaarada beeruhu ay muujisay dedaal badan oo la xidhiidha wax soosaarka dalka gaar ahaan dhinaca beeraha xoolaha iyo shidaalka oo bilaw ah.

Xisbiga Kulmiye isaga oo og duruufaha ku gadaaman gobolka waxa uu xooga saarayaa sii xoojinta nabad galyada gudaha, wada shaqayn dhawna ula yeelan lahaa dawladaha deriska ah, si loo sii adkeeyo nabad galyada ka hana qaaday dalka xisbiga Kulmiye waxa uu aaminsan yahay in nabad galyadu tahay masuuliyad wadareed oo la wada leeyahay

Ugu danbayntii xisbiga gudoomiyaha xisbiga Kulmiye waxa uu sheegay inaan xisbiga Kulmiye maxkamad iyo guddida doorashooyinku toona aanay ku soo eedayn wax ku shubasho ah.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: