Waftigii Uu Hogaaminayey Madaxweyne Xassan Oo Baryahan Danbe Ku Sugnaa Dalka Turkiga Oo Maanta Muqdisho Dib Ugu Soo Laabtay

safar-madaxweyne-515x3431Muqdisho(Lughaya) Madaxweynaha dowlada Somalia iyo wafdigii uu hogaaminayey ayaa goor dhowayd  oo  maanta ah Waxay dib ugu soo laabteen  magaalada Muqdisho ka dib markii ay soo dhameysteen socdaal dhowr maalmood qaatay oo ay ku tageen dalka Turkiga.

Wafdiga Madadxweynaha oo ay ka mid ahaayeen Raiisulwasaare ku-xigeen ahna Wasiirka Arrimaha dibeda Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan, wasiirka Difaaca ee xukuumada Somalia C/xakiin Xaaji Fiqqi iyo madax kale.

Waxaa Garoonka Aadan cadde ku soo dhoweeyey masuuliyin ay ka mid ahaayeen raisul wasaaraha Somalia Cabdi Shirdoon Faarax Saacid gudoomiyaha Baarlamanka Maxamed Cismaan Jawaari, wasiiro xildhibaano iyo madax kale.

Madaxweynaha oo saxaafada war kooban siiyey ayaa sheegay inuu guul ku soo dhamaaday safarkii ay ku tageen dalka Turkiga, ayna kulamo la soo qaateen heshiisyo iskaashina la soo saxiixdeen madaxda ugu sareysa dowlada Turkiga kuwasoo ku saabsan fulinta mashaariic horumarineed oo laga hirgelinayo dalka.

Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha Soomaaliya ayaa mudo sadax maalin ah waxa uu safaro shaqo ugu maqnaa dalka Turkiga halkaas oo uu kulamo kula soo qaatay madaxda dowladaasi.

 

Lughayanews: Muqdisho.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: