Ciidamada Somaliland ee Loo yaqaano S.P.U da oo hawlgal ka sameeyey guri kuyaala Borame

Boorama(lughaya) Ciidamada Somaliland ee Loo yaqaano S.P.U isla markaasina loo tababaray la dagaalanka argagixisada ayaa xalay abaaro 8 habeeno soo gaadhay magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal iyaga oo wada baabuur kolonyo u socota .

Abaaro 12kii habeeno ayaa ciidamadani S.P.U ay hawl gal ka fuliyeen galbeedka magaalada Boorama guri la jaar ah Dhakhtarka Weyn ee Boorama gurigaasi oo ay deganaayeen qoys ka yimiday muqdisho ,waxaanay gabi ahaanba xidheen intii hawl galkoodu socday dhamaan baaxada ku gadaaman gurigaasi taasi oo ay dadkii jaarka ahaa argagax ku noqotay .

Mid ka mid ah dadkii goobtaasi ka ag dhawaa ayaa sheegay in gurigani ay ku noolaayeen qof dumar ah oo hooyo ah , laba wiil oo ay dhashay oo midi xiska laayahay iyo gabadh kale waxaanay intaasi ku dareen in ay ciidankii S.P.U baadheen dhamaanba gurigii isla markaasina ay hore ka sii wateen dadkii ku noolaa gurigaasi.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in qoyskii iyo dadkii la watayba la soo celiyey abaaro 5tii subaxnimo .

Masuuliyiinta Gobolka Awdal ayaana ka hadalin hawl galkani waxaanay dadka qaar sheegayaaan in hawl galkani uu caan ka yahay magaalada Hargaysa oo dhawr jeer la arkay ciidamada S.P.U oo Weerarku qaadaya guriyo ka mid ah Magaalad Hargaysa laakiinse hawl galkani ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee ay ciidamada S.P.U ka fuliyaan magaalada Boorama .

Waxaanay dadka ku dhaqan magaalada Boorama Walaac ka muujiyeen habkani cusub ee ay ciidamada S.P.U oo kaashanaya sirdoonka Somaliland ay hawl gal ka fuliyaan magaalada Boorama isla markaasina lagu bar tilmaamsado qoysaska ku nool magaalada Boorama ee ka soo jeeda Koonfurta somaliya .

Sidoo kale weerarkani ayaa laga yaabaa in uu hoos u dhigo dadka reer koonfureedka ah ee ku soo qul qulaya Magaalada Boorama oo ay ku soo doonta nabad iyo Waxbarashada heerarkeeda kala duwan .

Isku soo wada duuboo hawl galkani ayaa ugub ku ah Magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal waxaanay wel wel ku abuuraysaa qoysaska kale ee ka yimiday Koonfurta Soomaaliya ee ku nool Magaalada Boorama .
Lughaya Boorama

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: