Qaraxyo Xoogan Oo Gilgilay Magalada Jowhar Waxyar Ka Dib Markii Ay Magalada Gudaha U Galeen Ciidamada Huwanta +Sawirro

jowharMuqdisho(Lughaya) Qaraxyo xooggan ayaa gilgilay magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe saacado kadib markii ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen.
Qaraxa hore ayaa laga maqlay halka lagu magacaabo Nambar Uno ee xaafadda Horseed, halkaasoo ay gaareen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.
Qarax labaad ayaa ka dhacay gudaha Saldhiga Booliska ee xaafadda Hanti-wadaag, kaasoo dhawaaqiisa laga maqlay xaafadaha magaaladaas.
Ilaa iyo hadda lama oga qasaaraha ay geysteen qaraxyadaasi, inkastoo ciidamadu feejignaan gaar ah muujinayaan oo aysan weli gudaha u gelin saldhigyada iyo xafiisyada dowladda ee degmadaas.
Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inay  iyagu qarxiyeen miinooyinkaas oo ahaa kuwo dhulka lagu aasay.
Waxaa xiran dhamaan goobaha ganacsiga, iyadoo aroortii hore ee saaka la fasaxay dugsiyadii waxbarashada, dadkuna ay isugu soo bexeen waddooyinka.

jowhar_iyo_amisom3jowhar_iyo_amisom1 2jowhar_iyo_amisom1

 

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: