Taariikh Nololeedkii Mujaahid Qaasim Muuse Maxamed

Sida laga warqabo Qaasim Muuse Maxamed waxa uu ku dhashay duleedka magaalada Boorama gaar ahaan deegaanka looyaqaano Afcas oo ka tisan qabaleega Awbare ee ismaamulka Soomalida ethiopia sanadkii 1957dii halkaasi oo uu aabihii ku lahaa beer roobeed.

waxana markii uu kacaamay uu waxabarashadiisii aassaasiga ahayd ka galay magaalada Boorama hase yeeshee kuma uu san raagitaasi isaga oo markiib a ku biiray ciidamadii xooga dalka Soomaaliyeed kanagaadhay darajada captain ama laba xidigleh waxaanu kabtanku ka qabqaatay dagaaladii Itobiya iyo soomaaliya Dhexmaray sanadihii todoba iyo todobaatankii isaga oo hogaamin jiray madaafiicdii lidka diyaaradaha ee xaradii Afisione ee Mugdishu.

kadib bilowgii sanadkii 1984tii ayaa waxa loo soo badalay magaalada Boorama wakhtigaasi oo diyaaradihii Amxaarku xasuuq ka gaysteen magaalada iyaga oo ku laayay ardaydii dugsigii hoose ee ellementriga halkaasi oo uu ka hawgali jiray madaafiicda cirka ee goobta Sheekh Cali Jowhaor tan isga oo diyaaradihii amxaarka ugu quus gooyey in ay dib waxayeelo uga gaystaan Magaalada Boorame tan iyo intii laga heshiiskii dhexmaray labada Dawladood sanadkii 1987 kaasi oo soo afjaray colaadii labada dal ee Somaliya Iyo Itobiya.

Hadaba bilogii dagaaalada so kee ye waxa uu burburiyey hanaankii dawladnimo iyo kala danbayntii wxaana bilaabmay dagaal qabyaaladaysan kuwaasi oo beelaha wadadega woqooyiga dhexmaray waxana beelkasta ay samaysatay maleeshiyaad difaaca dhulkooda.

sidaasi darteed waxa khasab noqotay in ninkasta oo ciidan tababaran ahi uu hogaan u noqdo maleeshiyaadka beeshiisa . waxanu Mujaahid Qaasin Muuse markiiba halgan hubaysan ka bilaabay deegaanka Buuralayda isaga oo aas aasay Jabhadii lamagacbaxda (JBBC) Jabhadii Buuralayda iyo Bada cas oo ay lahaayeen beelha Habarmuuse (maxad case) taasi oo ka hawlgalijiray deegaan aad u balaadhan oo ahaa buuralayda woqooyiga awdal ilaa degaanada Luhaya iyo Saylac.

Ma ahayn mujaahid qaasin nin taliye ciidan ah oo kaliya balse waxa uu ahaa nin abaan duule ah gala safka hore ee dagaalka taasina waxay keentay in uu naftiisa kuwaayo dagaalkii xaabwaye la magacbaxay kaasi oo JBBC ay la galeen xoogagii SNM ee ku sooduulay Gobolka Awdal.” Waxay ahayd maalitii Habar Muuse ay ugu dhimashada Badnayd waxaana ka shihiiday 33 sodon iyo sedex mujaahid Qaasina maalintaasi waxa uu kaligii xambaarsanaa Qoriga darandooriga u dhaca ee loo yaqaano BKM kaasi oo markii danbe ay ka go day rasaastii waxana ka fakaday caawiyihii u siday rasaata hase yeeshee Qaasin waxa uu ku dagaalamayay lab Soodh oo uu sitay isaga oo dhaawacan . ” Sidaasi waxa usheegay sabakada Lughaya Cabdilaahi Faarax Oo ku maga dheer Cabdi heemaal

 

Borama Lughaya.com.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: