Ciidamada Dowlada Soomaaliya Oo Taageersanaya Ciidamada AMISOM Oo Gordhawayd La Wareegaya Gacan Ku Haynta Magalada Jowhar

Breaking-News-logo1Muqdisho(Lughaya) Ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom ayaa si  nabdoon oo uuna dhiig ku daadan ula  wareegay goordhawyd gacan ku haynta degmada Jawhar, ciidamada Al-Shabaab ayaa muddo dhowr sano ah ka talineysay magaalada Jowhar iyo deegaanada ku hareereysan.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada huwanta ay gudaha u galeen magaalada, iyagoo ka yimid dhanka wadada Muqdisho. Ciidamada ayaa haatan fariisimo ka sameystay dhowr goobood oo ka tirsan Jowhar sida xarunta maamulka, saldhigga booliiska, koontaroolada magaalada laga soo galo iyo waliba garoonka diyaaradaha.

Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Gen: Cabdikariin Yuusuf (dhega-Badan) ayaa warbaahinta u xaqiijiyey qabsashada Jowhar ayaa sheegay in ay magaalada Jowhar ay hadda gacanta ugu jirta ciidanka huwanta.

Qabsashada ciidamada ee magaalada Jowhar ayaa ka dhigeysa in shabaab uu farahooda ka baxay gobolkii ugu dambeeyay ee ay dalka ka joogeen,  iyagoo hadda u muuqda in ay ku dhuumaaleysanayaan dhulka Miyiga ah, inkastoo aysan jirin cid gabbaad siineynsa oo ay hore abaal ugu galeen.

WAXII WARAR EE KA SOO KORDHA KALA SOCO SHABAKADA CAALAMIGA AH:LUGHAYANEWS.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: