Abaaro markale ka bilawday deegaanada Saylac

ImageSaylac-(lughaya)-Degaano tiro badan o ka tirsan degamada Saylac ayaa waxa si ba’an looga soo sheegayaa abaato mudo soo jiitamay oo dad iyo duunyaba taabtay, degaanadan ayaa waxa ugu sii daran tuulooyinka Fiqi-Aden, Xariirad, C/qaadir iyo Jidhi
Abaarta oo ku reebtay dadka ku nool deegaamadani dhibaatooyin hor leh.ayaa waxay sababta in xoolihii yaraa ee dhaqanayeeni idil ahaantoodba ay abaarta raacaan.markaad waraysatid dadka abaartu sida ba’an u saamaysay ayaa waxay kuu sheegayaan in ay haba yaraatee jirin meel ay ku ciirsadaan oo nolol maalmeedkooda ku maareeyaan,caruurta yar-yar ka sokow dadka waayayn ayaa laftoodu halis u ah in ay ku dhacdo nafaqo darro ba’an.
Meelaha ugu daran ee tuulooyinkan abaartu aad u saamaysay ayaa waxa ka mid ah tuulada Jidhi.oo iyadu habayaratee dadku aanay haysan wax ay quutaan iyo meel cunto u doontaan, “Waxaan aragnay odayaal,dumar iyo caruur aan haysan cunto ,waxad ka naxaysaa xaaladda nololeed ee ay ku jiraan,intii aan joognay jidhi waxaan la kulanay odayaal iyo caruur gaajo darted socon kari waayay oo fadhiga weheshanaya,mana jirto meel ay cunto u doontaan,” ayuu yidhi mid ka mid ah hawlwadeenadano dhawaan kor ku soo sameeyay deegaamadaas.
Waxa kale oo aad looga naxayaa markaad la kulanto duqayda oo ay ka muuqaato diifta ay abaartu ku reebtay , waxayna kuu sheegayaan inay u baahan yihii gargaar degdeg ah oo lala soo gaadho,haddii kale dadku macluul u dhimandoonaan,waxa kale oo ay hoosta ka xariiqeen inay Tuulada jidhi ka jirto dawo la’aan iyo xanuuno badan oo ay ka mid dhiig la’aan ,xanuuno wata xummad iyo nafaqo darro,mana jirto shaqaale jooga MCH-ka ama xarunta caafimaadka ee jidhi.
Deegaanka fiqi-Aaden ayaa ka mid ah meelaha kale ee ay ka jirto abaartu ,cunto la’aanta ka sokow waxa deegaanka u dheer biyo la’aan baahsan,waxayna dadka walaac ka muujinayan in biyo la’aan soo wajahday laasaskii ay biyaha u doonanayeenna gudheen,waxayna sidoo kale codsi u direen xukuumadda iyo cidkasta oo jecel khayrka inay lasoo gaadhaan mucaawimo.Sidoo kale deegaamada xariirad,c/qaadir iyo Aroorseel ayaa iyakuna dhankooda ka cabanya abaartan saamaysay dadkii iyo duunyadii kunoolaa deegaanada hoos yimaad degmedda Saylac.
Dhawaan ayay ahayd markii xafiiska isku duwidda gargaarka bini aadamnimo ee qaramada midoobay soo saaray warbin dheer oo uu ka hadlayo xaalada abaaraha Somalia,warbixintaasi oo lagu sheegay in xaaladda cunto yari eek a jirta somaliya weli tahay mid khatar ah,waxa kale oo ay sheegeen masuuliyiinta xafiisakani inay somaliya kamid tahay meelaha mushkiladaha bini-aadamnimo ka taagan yihiin dunida,isla markaasina kudhawaad 4 milyan oo qof u baahan yihiin gargaar.
Gebagabadii dadka guud ahaan ku dhaqan Deg. Saylac ayaa soo jeedinaya codsiyo ay ka codsanayaa xukuumadda iyo hay’adaha caalamiga in lalasoo gaadho gar-gaar degdeg ah oo iskugu jira cunto iyo daawooyin,

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: