Mudaharaad Xoogle oo Saylac Gilgilay oo Dhaawac u Gaystay Siyaasiyiintii Hargeysa Laga Soo Diray

IloveSaylacSamaronLandFinalSAYLAC – Mudaharaad lagu taageersan yahay xildhibaanada ay horkacayaan Mayer Hussein Iidle Barkhadle iyo Sacad Dahir Cige ayaa u qudbadeeyey shacabkii ku mudaharaadayey caado qaatayaasha Hargeysa ka yimid ee ay horkacaayaan Abiib Good, Cali Xamud, Cabdilahi Dheere, Cabdirizak Cali Afbalaadh iyo dhawr kale. Dhawrkan siyaasi oo ah niman wax taageero ah ka haysan shacabka galbeedka Somaliland ayaa waxa soo if baxaysa in Maamul goboleedka Hargeysa uu yahay mid ku sifoobay cadaalad xumo iyo iskudirka shacabka.

7 jeeb-hunguri waxa u muhiim ah inay mushaaro kasii qaataan Hargeysa, shacabka mudaharaadayeyna waxa ka dhuwaaqayeen oo ka go’an in jiritaanka Saylac uga muhiimsan yahay maamul goboleedka Somaliland.

Shacabka Saylac ee xalaasha ah ayaa ku balan qaaday 7 todobadan jeeb-hunguri in gacan bir lagu qaban doono marka xoraynta Saylac ay dhamaato. Mudaharaadka oo si xawli ah ku socday ayaa 10 ka xildhibaan oo isku duubani dejiyeen uguna balan qaadeen inay isku mawqif yihiin xuquudoodana aan marnaba la qarin karin.

Lughaya News Saylac

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: