Todobadii Siyaasi ee Saylac Joogay oo Lagu Amray inay Ka Baxaan Saylac Sida ugu Dhakhso Badan

Todoba siyaasi oo degaan ahaan kasoo jeeda beelaha aqlabiyada Saylac ayaa ku sugnaa degaankaa maalmihii lasoo dhaafay. Iyagoo siyaasiyiintan laga shikisnaa ayaa waxa isa soo taaysa shikigii laga qabay ujeedada socodkoda oo aan haysan dariiq toosan oo eer saylac u dan ah. Siyaasiyiintan ayaan wax shacbiyad ah ku haysan degaanka ay mushaarada kaga qaataan maamulka sii dhacay ee hargeysa. Xildhinaada Saylac oo uu horkacaayo mayer Xuseen Iidle iyo ku xigeenkiisa Sacad dahir Cige ayaa horjoogsaday carqalado laga sheeagy inay ka wadaan saylac siyaasiyiintan oo ku caan ah calooshooda u shaqaystayaal aan cidna taageero ka haysan.

Hadaba carqalada uu maamulka Dahabshiil ka wado saylac ayaa noqotay waji cusub oo reer Saylac iyo reer hargeysaad ku wada socon doonaan. Maamulka Siranyo ayaa baryahanba ku jiray accountka Dahabshiil uu ku leeyahay dalka Jabuuti. Danaha beesha uu kasoo jeedo Axmed Siranyo ayaa ka wayn dimuqraadiyada iyo qadiyada Somaliland iyagoo si cad ugu faanaya inay iyagoow ada jira shacabka Saylac maanta aqlibayada ku haysta ay ku walaaloobeen inay gumaadaan.

Shacabka Saylac oo uu horkacaayo Suldanka guud ee beelaha Gadabursi – Suldan Saleebaan cali ayaa gadhay saylac oo ay wararku sheegayaan aad uga biyo diiday farogalinta axmed Siranyo iyo accountka Dahabshiil ku hayo reer Sayalc.

Shacabka Awdal iyo Selel ayaa si cad u qaadacaday farogalita Hargeysa ee taageerayaasha Dahabshiil ay dalka ka taliyaan iyagoo ilowsan in Reer Saylac ama beelaha gadabursi ay yihiin lafdhabarta Somaliland oo ay dumayaan hadayna 24 saacadod ee soosocda faraha kala bixin doorashada degaanka Saylac oo iskood isku dhaarsan doona dhawaan maaulka Hargeysa inuu soo raaco iyo in kale mid u muhiim ah ree Saylac,

Mayerka saxda ahi waa Husein Iildle ku xigeenkiisuna waa Sacad Dahir Cige. Hadii Hargeysa talo kale hayso waxay ku eegtahay Hargeysa iyo dahabshiil oo iyagay u taalaa sidii ay dhul u siin lahaayeen beesha Jabuuti waa siday shacbka saylac maanta kaga dhawaaqeen beerta xoriyada ee magaada Saylac amr ay isku baxeen.

Lughaya News Saylac

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: