Waxan Cambaaraynaynaa Tuugta Reer Awdal Ee Dhuuni Qaatayaasha ah Ee Siilaanyo Iyo Saylici ka Direen Hargeysa

sayliciooQarxayTaariikhdu way is qoraysaa, Abaal badan abaal badh ah, abaal bur iyo dheeraada, Ninba kiisa kaan ugu bedeli beerka ka ogsooni!

Aanagoo halka kusoo koobayna 200 oo e-mail oo naga soo gaadhay taageerayaasha Xildhibaanada reer saylac oo shabakada Lughaya News ay “Crash” ku keentay codsiga dadwaynaha waxan si ku meel gaadh ah ugu shaqaynaynaa. Waxaan hiil iyo hooba la garab joognaa xildhibaanada daacada ah ee dalkooda, diintooda, maalkooda, iyo sharaftooda u huraya jiritaanka shacabkooda ee Reer saylac.

Shacab waynaha ree Saylac, Borame, Baki, Lughaya, iyo Gebilay waxa naga go’in qadiyada saylac noqotay qadiyadii aan isku baranay besha dhexe oo ah beel aan diyaar u ahayn dal balse isku diyaarinaysa dib iskugu soo noqosho Soomaali wayn iyo difaacista danaha shaqsi ee ay ka leeyihiin shaqsiyasaadka maamulka sii dhacay ee Siranyo u dhuun daloolaa.

Anagoo soo gudbin doona wararkii ugu danbeeyey ee Saylac. Hadana waxay dhanbaaladaasi umada Adal farayaan isku duubni iyo wada shaqayn toos ah oo dhex marta shacabka, caaqilada qurbojooga, waxgaradka iyo xildhibaanada mujaahidiinta ah ee ree saylac.

Shabakada Lughaya ayaa maamulka Jabuuti iyo taageerayaasha Dahabshiil ka beegsadeen weerar lakiinse waan kasoo kacnay shacabkana waxaan ugu balan qaadaynaa inaanu ka seexanayn taagerida shacabka iyo siyaasiyiinta qalbiga fiican ee daacada ah.

Waa waraaqihii naga soo gaadhay shacabka oo aan soo koobnay.

Fikrado isku tagay (Ciwaanka iyo fikirka waxaan kasoo qaadanay Harowo.com)

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: