Mudaharaad Xoogle oo Gilgilay Guud ahaan Degmooyinka Gobolada Awdal iyo Selel oo Ka Dhan Ah Waftiga Siranyo ku Duminayo Somaliland ee Jooga Borame

Breaking-News-logo1BORAMA – Mudaharaad lagu diidan yahay ergada Axmed Silanyo usoo diray Borama ee u socda sidii loo baabi’in lahaa natiijada doorashada degmada Saylac. Mudaharaadkan oo ka dhacay dhamaan Degmooyinka Borame, Baki, Lughaya, Saylac, Quljeed, Boon, Xariirad iyo Dilla. Mudaharadkan oo xoogiisu ahaa degmada Borame oo ergada baadilka ahi doonaysaa ay ku sugan yihiin iyagoo degmada saylacna u diray dhawr siyaasi oo aan shacbiyad ku lahayn degaanka ay kasoo jeedaan.

Dadka mudaharaadayey ayaa ku dhawaaqayey hadalo ka dhan ah maamulka Axmed Silanyo oo ay ku tilmaameen mid sii dumaya oo galaaftay geedi socodkii nabada ee maamulku ku caano maalay 22 ka sano.

Mudaharadkan oo ahaa mid ku yimid cadho iyo gardaro cad oo maamulka Axmed Siranyo ku diidayo natiijada doorashada saylac isagoo ku doodaya in dhul Samaron hadyad loo siiyo reer Jabuuti maadaama oo ay beesha Jabuuti ka qayb gashay gumaadkii iyo dagaalkii sokeeye ee lagaga soo horjeeday beelaha Gadabursi.

Waftiga ayaa la filayaa inay waji gabax kala noqdaan Borame iyagoo maamulka Somaliland ay u badan tahay inuusan kasoo waaqsan farogalintan fooshaxun ee u lagalay doorashada saylac.

Xildhibaanada saylac ayaa la filayaa inay iyaguna shaqada si toos ah u bilaabaan maalinta Isniinta haduu maamulka sii dhacaya la socdo iyo hadii kaleba.

Lughaya News Borama

2 Responses

  1. egeh
    anigoo ah muwaadin soomalilander jecelna inay soomaliland noqoto wadan la ictiraafsanyahay ayaa nasiibdaro madaxwaynihii dhanaa ee dalka soomaliand oo isku dayaya inuu dalkii kala burburiyo oo uu ka iibiyo jabuuti taasi waa nasiibdaro runtii. waxaan ku leeyahay siilaanyo waad ku fashilantay taas cimaamadiina way kaaga dhacday ee dalka dib noogu sii hayn maysid. aaaaaaaaaaaaah aaaaaaaaaaaaaah siilaanyo

  2. aniga oo ah muwadin somalilander ah waxaan u sheegayaa madax da somaliland in aysan dhici karin oo in la iibsho dhulka samaroon . una malayn maayo in dhul waligii samaroon lahaa si dhib yar ciise loohoos dhigu taasoo samaroon mooganeyn in dhulkaasi khayraadkoogu uu ugu jiro oo ay ku jihaadayaan sidii awalba taasna laga yeeli lahayn cidwali oo dhulkaa tidhaahda ciise ayaa hoosgeynayna . una malayn maayo in dhulkaas la rabo in djibouti laga iibsho laakiin waxaan hubaa in khayraadka ah .petrol saliid dhuxuldhagax la rabo in dad ciise ah oo iska dhigaya reer somaliland xagaas ka xoogsadaan oo maamul ka noqdaan ooy cunaan samaroona ka barabixiyaan. dhici mayso taaas siilanyo siilaanyo siilaanyo ,ismaaciil ismaaciil ismaacill!

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: