Wafti Reer Hargeysaad ah oo Kusii Jeedaa Borame oo Doonaya Tanaasulka Saylac

Borama-City-150x150HARGEYSA – wafti ka socda maaamul goboleedka beesha dhexe ee caanka ku ah Somaliland ayaa kusii jeeda magaalada Borame ee gobolka Awdal. Waftigan oo ujeedadiisa lagu sheegay inay tahay sidii reer Awdal/selel looga soo dhaadhicin lahaa inay dhulkooda Beesha jabuuti siiyaan maadaama oo beesha Jabuuti ay u hiilisay beesha Hargeysa wakhtigii uu socday dagaalkii sokeeye ee beelaha Gadabursi la’iskugu tagay.

Arintan mucjisada huwan ayaa ka fajicisay shacabka nabada jecel ee Adal (Selel, Awdal, Galbeedka Gebilay). Nasiibdarada ku habsatay maamul goboleedka Hargeysa waxay noqotay mid xoojisa isku soo dhawaanshaha beesha Gadabursi iyadoo waxgaradku ku tilmaameen in maamulka Siranyo uu gacantiisa isku halaagay markuu kusii dhego adaygaya inuu dhul dad kale leeyihiin hadyad ku bixiyo oo uu waliba ugu bixiyo maadaama oo beesha Jabuuti ay beesha Saylac aqlabiyada ah ay la dagaalantay wakhtigii u dagaalkii sokeeye socday.

waxgaradka(gude iyo dibadba), culimaa u diinka, iyo dhalinyarta ayaa hiil iyo hooba la garab taagan tobonka xildhibaan ee kasoo baxay Saylac oo marnaba ayna suurtogalayn inay wax ka badalaan mawqifkooda raganimada leh ee ay ugu hiilinayaan jiilalka soo kacaya iyagoo ka xoraynaya dal shisheeye iyo maamul jahawareeray oo aan garanayn meesha uu ku socdo.

Siyaasiyiinta degaan ahaan kasoo jeeda Adal ayaa shiki fara badan laga qabaa inay tageero siinayaan maamulka Axmed Siranyo ee sii dumaya iyagoo ilowsan in Siranyo u hadhay laba sano halka qadiyada Saylac ay u tahay mid waari doonta kumaankunka soo socda. Shaqsi kasta oo maanta qaata jiho khaldan waa mid lagula xisaabtami doono oo aanan marnaba lagala gaban doonin.

Waftigan oo ay wararku sheegayaan in ay diideen inay ka tanaasulaan talaabadan dastuurka baalmarsan ee lagu gardaraysanayo shacabka Saylac waxase lagu balamay in siyaasigii daacad shacabkiisa u ahi uu qabsado microphone oo uu si xalaal ah u cadeeyo mawqifkiisa halka caaqilada iyo suldaana ay horkacayaan Suldan Saleebaan iyo Suldan Abshir ay u cadeeyeen halka ay ka taagan yihiin qadiyada Saylac.

Lughaya News Hargeysa

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: