Kulankii Madax-dhaqameedka Iyo Ergadii Arinta Saylac Oo Waji Gabax la kulmay

Boorama(lughaya.wordpress) kulan dhexmaray galabta ilaa maqribkii madaxdhaqameedka Beelaha Samaroon iyo waftigii xukuumada ee ka koobanaa madaxweyne ku xigeenka Somaliland ,Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ,wasiirada iyo xildhibaanda ka tirsan labada gole ee guurtida iyo wakiilada ayaa soo gaba gaboobay waxaana lagu soo kala baxay iyada oo aan xal laga gaadhin arinta saylac.

Ugu horaytii waxaa hadalay sadex xubnood oo ka tirsan xildhibaanada golaha guurtida Somaliland kaasi oo uu ka mid yahay Xaaji Cabdi Waraabe isla markaasina soo jeediyey in ay beelaha Samaroon ka tanaasulaan gudoomiyaha golaha deegaanka ee degmada Saylac.

Waxaana hadaladoodii ka mid ahaa “hadii Beesha Samaroon qaadato gudoomiyaha degmada saylac beel ayaa waxba la’aan ku dhacaysa sidaas darteedna Somaliland waa dumaysaa ee maanta Somaliland u hiiliaya Gadabuursow “

Dhinaca kale ee madasha fadhiyey oo hadalka qaatay oo ay ka mid ahaayeen suldaan Ibraahim Jaamac Samatar ,Suldaan Abuubakar Cilmi Wabar iyo Suldaan Cabdiraxmaan jaamac Dhawal ayaa hadal isku mid ah ka soo jeediyey madasha waxaanay isku raaceen in aanay ka tanaasulaynin gudoomiyaha degmada saylac waxaana hadaladoodii ka mid ahaaa “Hadii ay Somaliland sidaasi ku dumayso Waabariga yaanay Gaadhin”

Ugu dambayntii waxaa madasha soo xidhay madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo sheegay hadii arinkii siyaasi ku dhamaaday in xukuumadu dib iskugu noqon doonto .madashiina sidaas ayaa lagu soo afmeeray .

Si kastaba ahaatee dadka u dhuun daloola siyaasada iyo arimahani socoda ayaa tibaaxay in qorshihii koowaad ee xukuumadu dhamaaday isla markaasina ay ku fashilmeen

Waxaa ay intaasi ku darayaan dadka siyaada gorfeeya in xukuumadu gaar ahaan beesha Dhexe oo door weyn ka ciyaaraysa arintani ay dib u soo ama qaadi doonto qorshe Labaad .

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: