Madaxweynaha Soomaliya Oo Soo Gaaray Dalka Suudan Si Uga Qaby Galo Munasabad Dalkaa Ka Dhacaysa

From-Jabuti-to-Itoobiya-981Khartoum(Lughayanews) Madaxweynaha jamhuuriyada somaliya Md: Xassan sheekh Maxamuud iyo wafti baldhaan oo uu hogaaminayo ayaa soo gaaray dalkan Sudaan  oo si fiican loogu dhaweeyey madaxweynaha

Madaxweyanaha ayaa Sudan kaga qeyb galaayo sanad guuradii 57-aad ee ka soo wareegtay markii ay xorriyada qaadatay dowladda Sudan, waxaana la rajeynayaa in madaxweynuhu uu halkaasi ka jeediyay khudbad dhiirra galin ah.

Maxadweynaha  ayaa wuxuu kaga qeybgalayaa munaasabadan oo ka dhacaysa magaalada Damaaziin ee gobolka Blue Nile, waxaana halkaasi tagi doonaa masuuliyiin caan ka ah wadamada Africa,Munaasabadan ayaa la sheegay in sidoo kale lagu furayo mashruuc biyo xireen ah oo ay dowlada Suudaan ka hirgelisey gobolka Blue Nile.

Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu wadahadalo la yeesho madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Xasan Al Bashiir iyagoo ka wadahadli doona xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Suudaan,Dalka Suudaan ayaa waxaa ku sugan boqolaal dhalinyaro Soomaali ah oo wax ka barta jaamacadaha ku yaal dalkaasi.

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu la kulmi doono jaaliyadda Soomaaliyeed, ee wadanka Sudan, waxaana socota qaban qaabada munaasibad ay sameyneyso jaaliyadda Sudan.

Madaxweynaha ayaa safarkiisa Sudan kadib la filayaa inuu isku maro wadamada  Britain iyo dalka South Africa oo uu la badan san yahay madaxda wadamadaaas.

Khartoum: Lughayanews.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: