Saladiinta Beesha Gadabuursi Oo Gaashanka U Daruuray Isku Daygii Xukumadii Ku Rabtay Inay Maayirka Ka Siiso Beesha Djibouti

IloveSaylacSamaronLand102Boorama(Lughayanews) Weftigii Xukuumadu u dirtay arinta golaha deegaanka Saylac in loo doorto Maayir ka soo jeeda Beesha Jabuuti ayaa  waxay waji gabax kala kulmeen hogaamiyeyaasha dhaqanka ee gobolka Awdal ay meel adag ka istaageen, iyagoo sheegay inaanay marnaba aqbali doonin in Ergo laga galo Distoorka, xukuumadana ugu baaqay inay Xakamaha ka qaado golaha deegaanka Saylac. Weftida xukuumada oo uu hogaaminayey Madaxweyne ku xigeenku oo ay ka mid ahaayeen ku dhawaad todoba Wasiir, Xisbiga Kulmiye, Guurtida iyo Baarlamaanka ayaa kulan aan Saxaafada loo ogolayn Hotel Mana kula yeeshay Hogaamiyeyaasha Dhaqanka ee Boorama.

Ilo Wareedyo ka ag dhawaa Kulankaasi ayaa sheegay in ergada Xukuumada oo ay u hadleen Xaaji Cabdi Waraabe, Muxumed Aw Axmed iyo Cawil ay oday dhaqameedada  Awdal, Salel Iyo Gabiley ayey u sheegeen inay u socdaan ergo ay ku doonayaan in Maayirka golaha deegaanka Saylac ay u daayaan beesha Ciise, waxaanay ku sababeeyeen dano badan oo ka dhexeeya Somaliland iyo Djibouti. Hase yeeshee Waxa la sheegay in arinta Ergada ay ka jawaabeen Suldaan Samatar, Suldaan Dawal iyo Suldaan Abiibakar Wabar, kuwaas oo ergada u sheegay inay u arkaan mid beesha ay wax u doonayaan ee ay walaalaha yihiin aanay jirin wax ay isku diidan yihiin oo ay ula yimaadeen oo ay ka codsadeen, ergadana ay u arkaan kuwo labada beelood colaad ka hurinaya,

Madax-dhaqameedka Awdal oo ay u hadleen Suldaan Ibraahim Jaamac Samater, Suldaan Dhawal iyo Suldaan Abiibakar Wabar, ayaa la sheegay inay u sheegeen  ergada xukuumadda inaan ergo laga noqon wax aan dastuurka iyo shuruucda dalka midna ku qornayn, sidaana ay ula noqdaan ergonimadooda isla-markaana ay khalad ku tahay in lagala hadlaba arinta Maayarka Saylac. iyagoo intaasi ku daray Hogaamiye dhaqameedada Boorama inay u arkaan arinta ergadu inay tahay mid dastuurka Somaliland ka baxsan, waxaanay sheegeen in aanay aqbalayn arintaasi, hadii beesha Ciise wax la siinayana in la siiyo gudoomiyaha Guurtida iyo Wasiirka Arimaha gudaha waa hadii dano badan Somaliland ay kaga xidhan yihiin Djbouti.

Intaasi ka sakow, madax-dhaqameedka reer Awdal sidoo kale waxay xukuumadda dusha u saareen masuuliyiinta khasaarihii ka dhashay Mudaharaadyadii Borama ka dhacay, waxaana la sheegay in khasaarahaasi ay xukuumaddu qaadatay oo ay dusha u ridatay masuuliyadiisa.

 

Boorama: Lughayanews.

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: