Wasaardad Maaliyada Somaliland oo Cashuurta Wado marista iyo cashuurta gaadiidka Soo dega ee yeryer kordhisay

Hargeysa(lughaya.com) Xukuumadda Somaliland ayaa kordhisay 50% Cashuurta loo yaqaano wada Marista ee gaadiidka laga qaado Lix biloodkiiba hal mar, sidoo kale waxa ay kordhisay Cashuurta Gaadiidka Raaxada ee lala soo dego 20%.“Waa in gaadiidka soo dega ee Raaxadda (Luxury), Cashuurtiisa soo dejinta lagu kordhiyo 20%” sidaas waxa uu Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ku dhaqan geliyay siyaasadda Miisaaniyadda 2013-ka oo uu dhawaan saxeexay. Sidoo kale waxa uu yidhi “ Waa in Cashuurta Wado Marista Gaadiidka lagu kordhiyaa 50%, marka laga reebo Gaadiidka Dadweyanaha (Public Transport)”.

Labadan qorshe ee lagu kordhiyay Cashuuraha Gaadiidka ayuu Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda C/casiis Maxamed Samaale Golaha Wakiiladda hortiisa ka sheegay inaanay Culays badan u keeni doonin gaadiidlayda, isagoo sheegay inaanay ahayn daruuri gaadiidka Cashuurahan lagu kordhiyay.Gaadiidka yar yare e Raaxada ayaa ah kuwa loogu soo dajin badan yahay waxaana loo istcmaalaa qaab Ganacsi oo Dalka gudihiisa iyo Dibadiisaba ah, waxaana Markab kasta oo soo xidha saran gaadiid yar yar oo kala duwan oo ka yimaada Dalal badan.
markii Ciidamada ilaalada Xeebaha Jamhuuriyada Jabuuti ay baadhitaan ku sameeyeen qaar ka mid ah ay ka heleen hub.
Dhinaca kale Wararku waxay sheegayaan Hubka la qabtay in uu u urarnaa Kooxo Ganacsato Reer Saylac ah waxan hadda Hubkii iyo Doonyihiin la wareegay Ciidamada ilaalada Xeebaha Jamhuuriyada Jabuuti ,ilaa hadda war ka soo baxay dhinaca Somalilnad ma jirto oo ku saabsan arinta.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: