Iskubedelka Gudoommiye Yaasha Gobolada Maroodi-jeex, Saaxil, Awdal iyo Gabilay.iyo Saamaynta Ay Ku Yeelankarto Galdacwadeedyada Maxkamadahaasi Ee Wali Rasaysan

xukun1Hargeysa(lughaya) Guddida Cadaaladda Somaliland ayaa manta isku shaan-dhayn ku samaysay Guddoomiyayaasha Maxkamaddaha Rafcaanka, Gobolka iyo Degmooyinka ee Sadexda Gobo lee Maroodi-jeex, Saaxil, Awdal  iyo Gabilay.

Digreeto uu soo saaraya Wasiirka Wasaaradda Cadalaada Somaliland Xuseen Axmed Caydiid ayaa lagu sheegay in xilalkii ay hayeen la isku bedelay Guddoomiyayaasha Maxkamaddaha Rafcaanka Gobolka Maroodi-jeex, Saaxil, Awdal iyo Gabilay. Sidoo kalena, Guddoomiyayaasha Maxakamaddaha Gobolka iyo Degmooyinka hoos yimaada goboladaasi iyana la is weydaariyay, halka Guddoomiye Maxkamadd Rafcaana laga dhigay Garsoore Maxkamadeed.

Digreetada Wasiirkuna waxay u dhignayd:-

C/raxmaan Jaamac Hayaan Guddoomiyihii Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Maroodi-jeex waxa laga dhigay Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Saaxil, halka guddoomiyihii rafcaanka saaxil Cali Suudi laga dhigay garsoore maxkamadda rafcaanka hargeysa

Guddoomiyihii  maxkamadda degmadda Hargeysa C/rashiid Beer-geel waxa la geeyay gudoomiyaha maxkamadda degmadda gabilay, waxa jagadiisii loo magacaabay C/raxmaan Maxamed Mawliid

Guddoomiyihii maxkamadda gobolka gobolka gabilay Feysal C/laahi dhaga dhago waxa la keenay Guddoomiyaha maxkamadda gobolka maroodijeex

Guddoomiyihii maxkamadda Gobolka maroodi jeex C/rashiid Duraan  waxa laga dhigay guddoomiyaha maxkamada rafcaanka Gobolka maroodijeex, Guddoomiyihii maxkamadda gobolka saaxil ibraahim aadan yaasiin waxa la geeyay Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Awdal,Guddoomihii maxkamadda gobolka Awdalna C/raxmaan waxa la geeyay  Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Saaxil.

 

Lughayanews: Hergeisa.

 

One Response

  1. uma arko cadaalad lkn waa qaromo iyo jab la la maagan yahay reer awdal waayo waad aragtaan maanta waxa uu samaynayo taliyaha qaybtu iyo tacadiyaadka uu gaystay

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: