Xilwareejinta Maayarka Degmada Lughaya Oo Maanta Si Rasmi Ah U Qabsoontay

lughaya2Lughaya.com (Degmada lughaya)munaasibad Balaadhan oo xilka aykula kala wareegayaan masuuliyiinta deegaanka lughaya ayaa maanta abaaro labadii duhurnimo lagu qabtay Hoolka dawlada hoose ee Degmada Lughaya halkaasi oo ay goobjoog ka ahaayeen Gudoomiye ku xuigeenka gobolka awdal Cabdi Nuur Sugaal , Maayarkii hore ee Degmada Lugjayhaya mudane Maxamed Yusuf Geele Biyo Caseeye , Maayaeka cusub ee hada la soo doortay Mudane Cabdilaahi Cali Awnuur Dixood , xildhibaanada golaha degaanka ee degmada lughaya , masuuliyiin, iyo dadwayne aad u Badan .
Jawiga guud ee munaasibadan oo ahayd mid nabdoon waxa ugu horayn halkaasi hadalkooban ka jeediyey gudoomiyihii hore ee degmada lughaya mudane maxamed yusuf geele Biyo Case.
waxaanu tibaaxay in degmadu hada ay ku jirto xaalad dhaqaale daro taasi oo ay keentay Gaadiidkii degmadu lahayd oo cadilmay wxaanu intaasi raaciyey in uu maanta kuwareejinayo lacag dayn ah oo dhan 22,000,350 Sl shilin taasi oo Bixinteedu u taalo maamulka cusub.
kadib waxa isaguna halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Golaha degaanka Lughaya ee hada la soo doortay waxaanu Mr Cabdilaahi Cali Awnuur ugu horayn ka mahad celiyey masuuliyiinta iyo dadwaynaha kasoo qabgalay munaasibada waxaanu intaasi raaciyey in uu rajaynayo in uu Ilaahay ku asturo masuuliyada isaga oo balan qaaday in dadaal dheeraad ah uu u galayo sidii uu degmaha horumarinteeda u hirgalinlahaa waxaanu ka codsaday dadwaynaha iyo qurbajoogta reer lughaya in ay la shaqeeyaan oo ay maalgashadaan deegaankooda wxaanu walaacka muujiyey in degmada lughaya oo ah mid aad u balaadhan ayna hoos yimaadaan 24 tuulo oo aad u kala fog fof islamarkaasina hada gaadiidkii ay ku kormeerilahaayeen ay cadilanyihiin .
waxakale oo maayarka cusub uu ka dhawaajiyey in xafiisyada dawlada hoose ee maanta lagu wareejiyey ayna waxqalab ah haba yaraatee ayna dhex oolin taasi oo uu ku tilmaamay dhib

Gabagabadii iyo gunaanad kii xafladaasi ayaa waxa soo afmeeray Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Awdal Mudane Cabdi Nuur Sugaal waxaanu sheegay in uu mararbadan kaqabgalay xilwareejin degmada lughaya hase yeeshee hada golahan degaanka ee ladoortay ay u badanyihiin dadganacsato ah kuwaasi oo uu u rajaynayo in ay waxqabad soo kordhin karaanisaga oo kula Dardaarmay maamulka cusub in ay ka shaqeeyaan horumarka iyaga oo kaashanaya shacabka ,
Lughayanews: Lughaya.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: