Dad Ilaa Xalay Laga Soo Daad Guranayey Magalada Djibouti Oo Saaka Mudaharaad Ka Samayey Magalada Saylac

IloveSaylacSamaronLand102Saylac(Lughaya) Maanta waxaa ka dhacay gudaha magalaada saylac mudaharaad aan sidaa u sii xoog badan nayeen kadib markii ilaa xalay dad faro badan laga kenay djibouti  si ay u hor istaagan xilka wareejinta maanta loo balansanaa inay dhacdo ee labada maayir xilka kula kala wareegayeen.

Dadka deegaanka ka soo jeeda oo shabakada caalamiga ah ee lughayanews u waramayey ayaa sheegay inay dadkan ilaa xalay lagau soo daad guranayey magalada djibouti  iyadaoo laga soo galiyey xudada labada dal leeyihin Taas oo looga dan leeyahay in  nabad galyada magalada wax loogu dhimano.

Dadka degaanka ee uu ka soo jeedo maayirka cusub isla markaana leh Aqlabiyada deegaan ayaa dhankooda la sheegayaa inay is Abaabulayaan  si ay ugu hortagaan cid kasto oo deegaankooda ku soo xad gubinta ama khal khal galisa Abniga magalada saylac ee xarunta gobolka Salel.

Dadka qaar ayaa eedan dusha ka  saaray  madaxweyne Geellaha djibouti oo hada la sheegayo inuu dalka ka maqan yahay Arimo caafimaad awgeed iyagoo sheegay in haddii uu madaxweyne Geelle uu ka danwayo fara galinta deegaankooda ay samayn doona waxkasta oo suurta gal ah isla markaana ay iska difaaci doonan wax kasta oo kaga yimaad dhanka dowlada jibouti.

Xukumada somaliland ayaa ilaa hada ka caga jiidaysa si ay u xalin lahayd arinkan isla markaana ay xilka sida sharciga ah ugu kala wareejin lahayd labada masuul.

 

waxii warar ah ee ka soo kordha kala soco lughayanews.

One Response

  1. Ciisaha waxaan leehay faraha kalaabta saylac oo iskadaaya djabuutida liniga soo gurayo raga reer saylac waadtaqaanaane waa iga talo

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: