Wasiirada Wasaaraddaha Qorshaynta Iyo Maaliyadda Oo Loo Xil Saaray Dabagalka Mashaariicda Horumarinta Dalka Nooc Kasta Oo Ay Tahay

Hergeisa(Lughaya) Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Dr: Sacad Cali Shire iyo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland ayuu Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo si wadajir ah ugu saaray inay dabagal ku sameeyaan Mashaariicda Horumarinta Dawladda Dhexe, kuwa Caalamiga ah iyo Hay’adaha Dawliga ah ee Madaxa banaan ee sanadkan 2013-ka loo qoondeeyay inay fuliyaan.

Sida ku cad qorshaha ay xukuumaddu u dajisay Siyaasadda lagu maamuli doono Miisaaniyadda sanadka 2013-ka waxa ay xukuumaddu qoondaysay in la fuliyo Mashaariic Horumarineed oo ay dabagalkeeda yeelan doonaan Wasiiradda Maaliyadda iyo Qorshayntu “ Waa in Wasaaradda Qorshaynta iyo wasaaradda Maaliyaddu si wada jir ah u dabagalaan Mashaariicda Horumarinta Dawladda Dhexe, kuwa Caalamiga ah iyo Hay’adaha Madaxa banaan ee Dawladda.” Ayuu yidhi Madaxweynuhu

Mashaariicdan Horumarinta ah ee ay Dawladdu sanadkan fulinayso waxay ka imanayaan $ 125,000,000 eeOdoroska Miisaaniyadda Dawladda Dhexe, ta Hay’addaha Madaxa banaan ee Dawliga ah oo iyana noqonaysa $35,854,545 iyo ta Deeqaha Caalamiga ah ee Trust Fund oo iyana noqonaysa $ 13,000,000.

Sidoo kale waxa ka mid ah Mashaariicda Horumarinta ay ugu talo gashay Xukuumaddu ee loo saaray labada wasaaradood kuwa ka kala imanaya Hay’adaha Wax soo saar eek ala ah Wakaaladaha Biyaha, Dekeda, Baanka iyo Haamaha Shiidaalka oo loo qoondeeyay Kharashkoodu 30% inuu noqdo Horumarin.

Sidoo kale Dakhliga Dawladda Dhexe u qabato Dawladdaha Hoose ee 10% ka ah, waxa loo qoondeeyay in mashaariicda Horumarinta ee ay dabagalka ku samyan doonaan 20% ka mid ah lagu daro Qorshaha Horumarinta Dawaladda Dhexe ee 2013, taasoo ka qayb qaadan doonta Horumarinta Wadooyinka.

 

Source:WHN.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: