Wararkii Ugu Danbayey Ee Khasaarihii Ka Dhacay Degmada Saylac Iyo Xadka Labada Dal U Dhaxeeya Oo Casar Gaabkii Galabta Dib Loo Furay

saylacSaylac(Lughaya.com) waxaa isa soo taraya khasaarihii ka dhashay dagaalkii ka dhacay degmada saylac ee u dhaxeeyey maleeshiyada beelaha ciise ka tirsan iyo ciidamada Somaliland ayaa wararkii ugu dambeeyey waxaa ay sheegayaan in 9 askari ay dhaawacyo maanta ka soo gareen dhawacaas oo ah dhawaacyo fudud ka dib markii dhagax lagu tuuray  qaar ka mid ah gaadiidkii ay wateena saraakiisha wasaarada arimaha gudaha Somaliland ayaa la jajabiyey .

Sidoo kale wararku waxay intaasi ku darayaan in baabuur lahayd dowlada hoose ee degmada saylac la jajabiyey,

Iskastaba ahaatee shabakada Lughayanews.oo la xidhiidhay dadka deegaanka ee degmada saylac ayaa u xaqiijiyey in maleeshiyadu ay isku urursanayso meel aan sidaa ugu fogayeen magalada saylac  oo ilaa caawa ay isku urursanayaan maleeshiyadu,  wararku waxay intaa ku darayaan in ciidamada malitariga ee jeedaas la galiyey heegan si ay ugu hortagaan  wax kasta oo ka yimaad maleeshiyadaas.

Dhanka kale waxaa waxaa galabta dhamaaday xafladii xil wareejinta ahayd oo uu goobjoog ka ahayeen sarakiilka ka socota Wasaarada Arimaha Gudaha iyo waliba Gudoomiyaha gobolka Salel xaflada ayaa Ku  dhamatay si nadab galyo ah walow hadhsan tahay wax aan sidaa u sii badneen taasna loo balan san yahay maalinta bari ah inay dhamaato.

Dhanka xuduudka labada dal u dheexayaa Djibouti iyo Somaliland oo ilaa saaka xidhnaa kadib markii ay isku dhaceen maleeshiyo ilaa habeen hore malaagada soo gaadhaysay iyo ciidamada jamhuuriyda somaliland ee fadhigoodu yahay Bariisle Taasina ay sababtay in xadka labada dal u dhexeeya la xidho ayaa  Casar Gaabkii galabta dib loo furay  sida masuuliyiin ku sugan gudaha djibouti  ay u xaqiijiyeen shabakada caalimiga  ee lughayanews.

waxii ka soo kordha kala soco lughayanews.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: